Tuesday, October 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isu soo bax lagu taageerayay burburinta Jigooyooyinka oo maanta Galkacyo ka dhacay”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 4, 2016
in Wararka
0
Isu soo bax lagu taageerayay burburinta Jigooyooyinka oo maanta Galkacyo ka dhacay”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isku soo baxaan oo ahaa mid lagu taageerayay howlgallada ciidamada nabad sugida iyo booliiska galmudug ay kula dagaallamayaan jidgooyooyinka sharci darada ah ayaa maanta lagu qabtay duleedka dhanka koofureed ee magaalada galkacyo,
Waxaana dibad baxaan oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala  duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta maamulka dagmada Galkacyo ay dadku ku muujinayeen dareenkooda ku aadan sida u taageersan yihiin dadaalka ciidamada maamulka galmudug ee la xiriira burburinta dhammaan jidgooyooyinka sharci darada ah ee yaalay qayba ka mid ah magaalada Galkacyo

Guddoomiyaha ururka dhalinyarada ee maamulka Galmudug Caydiid Cali Xasan kaas oo sheegay in dhalinyara ahaan ay dhacsan yihiin dadaalka ciidamada Galmudug ee ku aadan la dagaalan ka Jidgooyooyinka sharci darada ah ee yaalay qayba ka mid ah magaalada Galkacyo, waxaanu sheegay in ciidanka ay garab taagan yihiin.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

October 6, 2025

“Xaqiiqdii maanta waa noo farxad inaan halkaan isugu nimaano shalay iyo doraad meeshaan ma aanan imaan karin qof faraxsana meeshaan ma mari karin xalay, waxaan hubnaa dadkii baabuurta saarnaa ayagoo hurda oo faraxsan ineey mareen wadadaan dhididka naga baxaaya waan ku qubeeysaneeynaa dharka aan wadanana dhigi meeyno ilaa meeshaan ay nabad noqoto, waxaana idiin mahadcelineeynaa marka dadka kasoo baxa muqdisho ay nabad ku yimaadaan galkacyo wxaana mahad celin gaara iska leh ciidamada NiSA iyo Booliska kuwaas oo howshan qabtay”

Guddoomiyaha ururka Haweenka Maymuun Cali Nuur ayaa Iyana dhankeeda bogaadisay ciidamadii howshaan qabtay, waxa ayna tiri.

“Hambalyo saaka waa subax farxadeed waxan ku faraxsanahay anagoo ugu horreeyn alle u mahad celineeyna markalabaad dowlad gobaledka Galmudug gaar ahaan ciidamada nabad sugida booliiska iyo daraawiishta galmudug qaasatana waxaan si gooni ah ugu mahad celinayaa ciidanka nabad sugida soomaaliyeed ee NISA oo maalin walba ku dadaala wax ka qabashada arimaha dhagxumada nagu ah sida hooyooyinkiiba la kufsaday shacabkiiba la dhibaateeyay wadooyinka ku safrayay ayeey ka dhawaajisay gudoomiyaha ururka haweenka Gobalka Mudug”

Dhanka kale guddoomiye ku-xigeenka Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre  ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyaya shacabka Galkacyo shucuurta ay muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin maamulkooda.

“Waxaan rabaa inaan dhaho shacabka reer gaalkacyoow aad iyo aadbaad u mahadsan tihiin dareenkiina muujiya sida aad uga soo horjeedaan isbaarooyinka dadka lagu dhibaateeynayo sidaasna kusii wada nidaamka aad uga soo horjeedaan isbaarooyinka, waxaan utacsiyeeynayaa wiilaashii qiimaha badnaa ee ku nafwaayay howlgalkii shalay ciidamada NiISA ay kula dagaalamayeen jidgooyooyinka sharci darada ah” ayuu yiri guddoomiyaha Galkacyo.

Howlagalkaan ay sida wadajirka ah u billaabeen ciidamada booliiska Galmudug iyo kuwa nabad sugida soomaaliyeed ee NISA ayaa kusoo aadaya xilli sanadihii u danbeeyayba ay jireen dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhac loogu geeysanayay gaadiidka iyo shacabka ku safra wadada
isku xirta magaalooyinka galkacyo iyo galinsoor, waxaase howlgalkaan uu hadda raja galiyay shacabka iyo gaadiidka ku safra waddooyinkaas maaddaama laga hor qaaday jidgooyooyinkii sharci darada ahaa ee dhibaatada ku hayay muddada dheer.

W/D=wariye C/risaaq Maxamed Axmed Galkacyo

vlcsnap-2016-05-04-13h32m00s31 vlcsnap-2016-05-04-13h32m12s187 vlcsnap-2016-05-04-13h32m19s17

vlcsnap-2016-05-04-13h32m26s91vlcsnap-2016-05-04-13h32m32s148 vlcsnap-2016-05-04-13h32m54s73 vlcsnap-2016-05-04-13h33m36s254 vlcsnap-2016-05-04-13h33m44s96 vlcsnap-2016-05-04-13h33m54s178 vlcsnap-2016-05-04-13h34m01s2 vlcsnap-2016-05-04-13h34m16s154

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh “Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo hey’adaha amniga waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub”

Next Post

Shir xorriyadda Saxaaafadda looga hadlaayay oo Finland lagu soo gabagabeeyey”SAWIRRO”.

Next Post
Shir xorriyadda Saxaaafadda looga hadlaayay oo Finland lagu soo gabagabeeyey”SAWIRRO”.

Shir xorriyadda Saxaaafadda looga hadlaayay oo Finland lagu soo gabagabeeyey"SAWIRRO".

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Soomaali, ayaa si rasmi ah u daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca...

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo dhageystay warbixinta Mashruuca Nagaad

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo dhageystay warbixinta Mashruuca Nagaad

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur , ayaa maanta shir...

SoDMA iyo Q M oo wada qorsheynaya ka-hortagga Abaaraha iyo diyaargarowga Xilli-Roobaadka Deyrta

SoDMA iyo Q M oo wada qorsheynaya ka-hortagga Abaaraha iyo diyaargarowga Xilli-Roobaadka Deyrta

October 6, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdille iyo Madaxa Isku-duwidda Gar-gaarka Beni’aadannimo ee Soomaaliya, Mr. Georg Conway, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In