Wednesday, February 8, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhismaha Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo la taageeray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 9, 2015
in Wararka
0
Qaban qaabada dibad baxyo lagu taageerayo shirki IGAD ee shalay ka dhacay Muqdisho oo ka socda Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isu soo bax lagu soo dhoweynaayay dhismaha maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay ka qeybgaleen boqolaal ka mid ah bulshada ku dhaqan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar.

Banaan baxani oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha bulshada oo ay ugu horeeyaan waxgaradka, haweenka, dhallinyarada iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin qorshaha ay dowladda ku dooneyso dhismaha Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Related posts

Dowladda oo digniin adag u dirtay Imaamyada, Khadiibyada iyo Mu’adimiinta Masaajidda

February 7, 2023
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

February 7, 2023

Qaar ka mid ah waxgaradka isu soo baxa ka qeyb galy ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan talaabada lagu doonayo dhismaha Maamulka labada gobol, ayna diyaar u yihiin inay dhankooda ka qeyb qaataan, isla markaana heshiiska Muqdisho lagu saxiixay uu horseed u noqon doono in la helo dowlad goboleed ay yeeshaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Cabdullaahi Cabdiqaadir Buur fuule ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loo sameeyo maamul goboleed qeyb ka noqda dowlad goboleedyada hoos tega Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe ee dhanka arrimaha bulshada Mudane Muxumed Sugaal Cismaan oo ka hadlay banaanbaxan ayaa sheegay in shacabka gobolka Shabeellaha Dhexe ay yihiin dad gacmaha is heysta ayna ku kalsoonyihiin maamulkooda.

“Ahmiyada labada maamul waxaa laga garan karaa Wasiirada saxiixay iyo madaxda ugu sareysa dalka oo ka qeybgalay xafladii lagu qabtay Madaxtoyada ee lagu saxiixay dhismaha maamulka labada gobol ee Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan”.ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Sh/dhexe.

 

Previous Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo Baydhabo ka furay shir lagu soo xulayo Wakiilada Koonfur Galbeed

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dowladda oo digniin adag u dirtay Imaamyada, Khadiibyada iyo Mu’adimiinta Masaajidda

February 7, 2023
0

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ayaa soo saartay amarro Imaamyada iyo Khadiibyada masaajidda looga digayo inay la macaamilaan Khawaarijta...

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimahada dibadda oo kalun la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya.

February 7, 2023
0

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda  Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta...

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka.

Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka.

February 7, 2023
0

Labo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad...

Erdogan: Dhulgariirkan waa mid ka mid ah musiibooyinkii ugu weynaa ee Turkiga soo maray.

Erdogan: Dhulgariirkan waa mid ka mid ah musiibooyinkii ugu weynaa ee Turkiga soo maray.

February 7, 2023
0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa xaqiijiyay in dhulgariirkii ku dhuftay dalkiisa uu ahaa mid ka mid ah masiibooyinka dabiiciga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In