Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Itoobiya oo dib u soo celineysa qaar ka mid ah muwaadiniinteeda ku baahsan caalamka

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Itoobiya oo dib u soo celineysa qaar ka mid ah muwaadiniinteeda ku baahsan caalamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Itoobiya ayaa wadda qorshe lagu soo celinayo dhammaan muwaadiniinteeda ku dhaqan waddamada Caalamka ee aan sida sharciga ah ku joogin, sida uu sheegay Af-hayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dowladda Itoobiya ayaa Lixdii Bilood ee ugu dambeeyay Dalkeeda dib ugu soo celisay 44,500 Qof, kuwaas oo 4,168 ka mid ah laga kala keenay Waddamada Imaaraadka Carabta, Tanzaaniya, halka inta kalena laga keenay Dalka Sacuudiga.

Howlaha dib u celinta ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Safaaradda Jidda ee Dalka Sacuudiga iyo Ururro Caalami ah, sida uu Saxaafadda u sheegay , Meles Alem, oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya.

Af-hayeenka ayaa sheegay  in Itoobiya ay xoogga saartay badbaadada muwaadiniinteeda, markii uu billowday dib u dhiska Dalkeeda, isagoo intaa raaciyay in dedaallada ay sii wadi doonaan dedaallada ku aaddan soo celinta muwaadiniinta ku dhibaateysan Waddamada shisheeye.

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed, ayaa horraantii Sanadkan markii uu xafiiska la wareegay, waxa uu booqasho ku tagay Dalka Sacuudiga, isagoo halkaasi kasoo qaaday Diyaarad ay saarnaayeen muwaaddiniin u dhashay Itoobiya, kuwaasoo si sharci darra ah ku galay Sacuudiga.

Isha/Anadolu

Previous Post

Isbeddel lagu sameeyay talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Next Post

Hooyo Miski Abukar: Isagana wuxuu ku xiran yahay Sacudiga, aabahiisna wuxu nooga dhintay Qaraxii Zope

Next Post

Hooyo Miski Abukar: Isagana wuxuu ku xiran yahay Sacudiga, aabahiisna wuxu nooga dhintay Qaraxii Zope

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In