Monday, May 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hooyo Miski Abukar: Isagana wuxuu ku xiran yahay Sacudiga, aabahiisna wuxu nooga dhintay Qaraxii Zope

admin by admin
December 28, 2018
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Muxudiin Axmed waa 23 jir Maxkamad Sacudiga ku taala ku xukuntay 10-sano oo xariga, waxa  uu aabihiis ku waayey qarixii musiibada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho 14-tii October, 2017

 

Related posts

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

May 19, 2025
Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

May 19, 2025

Qoyska wiilkan oo la soo xiriiray Wakaalada SONNA ayaa ka codsaday in dawladda Soomaaliya in wiilkooda looga soo daayo xabsiga uu ku jira oo ay sheegeen in uu xabsi wakhti dheer, kuna xanuusanayo.

Miski Abukar Qoryoley, waa hooyada Maxamed waxa ay sheegtay in wiilkeeda uu xiran yahay muddo ku dhaw laba sano, in taleefan ay isku maqlaan mooyee, aysan xabsiga ku booqan sababa la xiriira sharciyada deganaanshaha ay haystaan oo kala duwan awgeed.

“Waxan dawladda Soomaliya ka codsanayaa in ay naga caawiso soo deynta wiilkayga oo iga xiran, aanan arki Karin, dhib ayuu qabaa, markii ay su’aalaha weydiinayeen ee la xirayey bay xubnaha taranka jug ka gaartay, taas iney ku soo kacdo buu taleefan iigu sheegaa, aabihiisna wuxuu iiga dhintay Qaraxii Zope Muqdisho”, Miski ayaa sidaa tiri.

Miska ayaa intaa raacisay in  wiilkeeda carruur uu dhalay oo Sacudiga ku noolaa ay Soomaaliya u soo dirtay ayna soo raacisay tarxiilka, maadaama aysan awoodin maareynta noloshooda halkaasi.

“Wiilkayga wuxuu ahaa mid ku filan maareynta qoyskiisa, wuxuna sidoo kale caawin jiray aabihiis iyo ayeeyadiisa oo Xamar ku nool, balse hadda xaalka wuu nagu xun yahay waxaan noo dheer wel-wel xabsigaas dheer iyo in uu u xiran yahay denbi uusan isaga lahayn”,

Ayeeyada Wiilka, Xabiibo Aadan Macalin ayaa sheegtay in wiilkan aabihiis Muxudiin Axmed Faarax ay ku waysan Musiibadii sannadkii hore, curudkiisa uu Maxamed yahay isna ka xiran, waxaana codsatay in mar uun xabsiga looga soo daayo.

“ Maxamed 8-kale oo carruur ah ayaa la dhalatay oo uu isaga u weynaa, aabahoodna wuu dhintay, inaan iga wax taree, aniga u baahan daryeel, waayeel baan ahan, waxa kaliya aan fiirsanayey waxa uu ahaa carruurtan aabahood oo uu Maxamed kamid yahay”, Xabiibo ayaa sidaa tiri.

Sacudiga ayaa kamida meelaha ay Soomaali badan lagu xiro, lagana soo tarxiilo, balse Soomaalida jeceshahay in ay u shaqo tagaan, waxaana xusid mudan in dawladda Soomaaliya  u guntay sii deynta maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalalka India, Libya, Seychelles, Ethiopia, Kenya, iyo Tanzania oo u dambeysay.

W/D: Maxamed Cisman Cabdi ‘Black Cobra’ 

Previous Post

Itoobiya oo dib u soo celineysa qaar ka mid ah muwaadiniinteeda ku baahsan caalamka

Next Post

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo qorsheyneysa dib u dhiska garoomada diyaaradaha dalka

Next Post
Wasiir Oomaar oo beeniyay in loo xeray musuq maasuq “Dhegeyso”

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo qorsheyneysa dib u dhiska garoomada diyaaradaha dalka

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

May 19, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir...

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

May 19, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

May 19, 2025
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In