Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Itoobiya oo heshiis la gaartay Laba Garab oo ka tirsan Jabhadaha Oromada

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Itoobiya oo heshiis la gaartay Laba Garab oo ka tirsan Jabhadaha Oromada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la gaartay Laba Garab oo ka mid ah Jabhadaha Oromada, taas oo Af-jaraysa colaad iyo gadood Hubeysan oo Bilooyin ka taagnaa qaybo ka mid ah Dalkaas, sida ay baahisay Wakaaladda wararka Ethiopia ee ENA.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Jabhadahan oo kala ah, Oromo Democratic Party (ODP) iyo Liberation Front (OLF) ayaa Khamiistii Shalay heshiis la saxiixday Is-bahaysiga haya talada Dalka Itoobiya, ka dib shir dib u heshiisiin ah oo Talaadadii Todobaadkan ka dhacay Addis ababa.

Milkesa Mideksa, oo ahaa wakiilka ODP iyo Dawud Ibsa, oo ah Guddoomiyaha OLF, ayaa si wada jir ah u ballan qaaday in ay iska ilaalinayaan Dhiig dambe oo daata , horayna ay uga soconayaan wixii dhacay, dibna aan loo noqon doonin, iyagoo isku Af-gartay in la joojiyo falalka Gacan ka hadalka ah iyo rabshadaha Hubeysay ee dhowaanahan ka taagnaa qeybo ka mid ah Dalka Itoobiya.

Kulanka ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddi ka kooban 71 xubnood oo loogu talagalay inay ka shaqeeyaan daba galka howlaha Hub ka dhigista, Qaramaynta Malleeshiyada Jabhadda OLF iyo dhammaystirka dhammaan qodobadii lagu heshiiyay.

Heshiiskan, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Oromiya, Oday dhaqameedyo, Culimaaโ€™udiin kala duwan, aqoon yahanno, Dhalinyaro iyo wakiillo siyaasadeed.

Waxaa Bilihii aynu soo dhaafnay Galbeedka Oromiya ka soconayay dagaallo u dhexeeyay Ciidamada Dawladda Itoobiya iyo Jabhada OLF , taas oo ay xukuumadda uu hoggaamiyo Raโ€™iisul wasaare Abiy Axmed ay ka saartay Liiska Ururrada loogu yeeri jiray argagixisada ee Dalka Itoobiya.

Previous Post

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya

Next Post

Taliska cusub ee qeybta 21-aad oo laga Dhagax dhigay Magaalada Cadaado

Next Post
Taliska cusub ee qeybta 21-aad oo laga Dhagax dhigay Magaalada Cadaado

Taliska cusub ee qeybta 21-aad oo laga Dhagax dhigay Magaalada Cadaado

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In