Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Itoobiya oo ka digtay in la fara galiyo arrimaheeda gudaha

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Itoobiya oo ka digtay in la fara galiyo arrimaheeda gudaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya, ayaa ku eedeeyay  waddamada caalamka qaar inay ka shaqeynayaan inay khatar geliyaan xasilloonida dalka, iyagoo sheegay in cadaadiskasta oo la saaro uusan ka hor istaagidoonin buuxinta Biyo-xireenka Al-Nahda iyo qabashada doorashooyinka dalka.

Bayaan ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka Itoobiya, ayaa lagu sheegay in cadaadisyada gudaha iyo dibaddaba ay ka shaqeynayaan sidii ay waddanka u gelin lahaayeen dagaallo iyo fowdo.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Maxkamadda Sare ee JFS oo ansixisay natiijada doorashadii golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir

March 28, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo si adag u uga hadashay is doorashada sharci darrada ah ee ka dhacday Baydhabo

March 28, 2026

Kulan ay yesheen Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa lagu sheegay in cadaadis kasta oo la dul dhigo ay fulin doonaan howsha buuxinta labaad ee biyo xireenka Al-Nahda ee wabiga Niil, iyaga oo sidookale digniin u diray wax ay ku tilmaameen fara galin shisheeye.

Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya, ayaa ugu baaqay shacabka Itoobiya, inay ku garab istaagaan dowladooda horumarka iyo xasiloonida dalka.

Tani ayaa imaaneysa xilli Washington ay Jeffrey Feltman, u magacaawday ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, iyadoo la sheegay in arrinka Biyo-xireenka Wabiga Niil  uu qeyb ka yahay waxyaabaha mudnaanta leh ee uu ka shaqeeyn doona ergaygaan cusub ee Mareykanka uu u soo magacaabay Geeska Afrika.

Previous Post

Maraykanka oo ergey cusub u soo magaacabay Geeska Afrika

Next Post

Mareykanka oo soo jeediyay in Liibiya laga saaro dhamaan ciidamada shisheeye

Next Post
Mareykanka oo soo jeediyay in Liibiya laga saaro dhamaan ciidamada shisheeye

Mareykanka oo soo jeediyay in Liibiya laga saaro dhamaan ciidamada shisheeye

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Maxkamadda Sare ee JFS oo ansixisay natiijada doorashadii golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir

March 28, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambeys ah u ansixisay natiijada doorashadii golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir, oo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo si adag u uga hadashay is doorashada sharci darrada ah ee ka dhacday Baydhabo

March 28, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is doorashada sharci darrada ah ee maanta lagu qabtay magaalada Baydhaba, taas...

Wafdi ka socday Turkiga oo booqasho ku tegay Dekadda Muqdisho

Wafdi ka socday Turkiga oo booqasho ku tegay Dekadda Muqdisho

March 28, 2026
0

Wafdi ka socday shirkadda Akkon Lines ee dalka Türkiye ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Dekedda Magaalada Muqdisho, waxaana...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loo gudbiyay Warbixinta Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loo gudbiyay Warbixinta Wasaaradda Gaadiidka

March 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In