Ra’isulwasaaraha itoobiya abiy ahmed ayaa sheegay in dowladiisu ay si dhow ula socoto dhacdo ka dhacday xuduuda itoobiya iyo Sudan
Qoraal uu dhigay bartiisa Twiterka ayuu ku sheegay in arintaasi ay geysteen maleeshiyo deegaanka ah .
Abiy waxa uu tilmaamay in arintan aanay jabin doonin xiriirka u dhaxeeya labada dal kuwaas oo mar kasta wada hadal ku xaliya arimahooda.
Arintan ayaa imaaneysa iyadoo war qoraal ah oo ka soo baxay xukumada Sudan lagu canbaareeyay weerarka oo dowlada Sudan sheegtay in ay geysteen ciidanka itoobiya iyo maleeshiyo wehelisay .
- Ra’isulwasaaraha Sudan ayaa sheegay in fiidkii talaadada ee la soo dhaafay weerar gaadmo ah lagu qaaday ciidanka Sudan oo ka soo laabtay shaqo ilaalin xuduuda ah kuwaas oo marayay halka lagu magacaabo Jabal Abutiour oo ku talaala gudaha dalka Sudan .