Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada Midoobe iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xaalada qaxootiga ku sugan waqooyiga dalkaas

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobe iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xaalada qaxootiga ku sugan waqooyiga dalkaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda he’yadda qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR ayaa gaaray magaalada Adis Ababa si ay dowlada Itoobiya ugu booriyaan badbaadinta dadka qaxootiga ah gaar ahaan kuwa ku sugan xeryaha ku yaala gobalka Tigray ee dagaaladu ka jiraan.

Wasiiru dowlaha nabadda Itoobiya Frealem Shibabaw, oo wafdiga qaabishay ayaa sheegtay in Itoobiya ay muhiimad gaar ah siineyso ilaalinta badqabka qaxootiga isla markaana la qaaday talaabooyin lagu ilaalinayo dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin kuwo xeryaha qaxootiga ku jira mudadii uu socday howlgalka gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Waxay tilmaantay in dadkii xeryaha ka cararay cabsi darteed mudadii uu socday dagaalka tigray ay hada ku laabteen meelihii ay ka yimaadeen.

Waxay sidoo kale sheegtay in itoobiya ay diyaar u tahay soo celinta qaxootiga Sudan jooga hadii ay iyagu doonaan.

Waxaa maalmahan jiray walaac xoogan oo heyadaha samafalka ay ka muujinayeen dadka qaxootiga ah ee ku nool waqooyiga Itoobiya .

Waxaa jira eedo dowlada itoobiya loo jeediyay oo ahaa in qasab lagu celiyay qaxooti  Eritrea ka yimi oo ku sugnaa gobalka tigreega

Dowlada Itoobiya ayaa beenisay eedaasi waxayna sheegtay in qaxootiga ay iskood xeryaha uga baxeen iyaga oo dagaalka ka baqaya.

Gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya waxaa ku yaala 33 xero oo dadka qaxootiga ay daganyihiin waxayna badankood ka yimaadeen dalka Eritrea.

Previous Post

Itoobiya oo ka hadashay weerar lagu laayay askar reer Sudan ah kaas oo ka dhacay xadka kala qeybiya Sudan iyo Itoobiya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo casho Sharaf loogu sameeyay Cadaado+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo casho Sharaf loogu sameeyay Cadaado+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Rooble oo casho Sharaf loogu sameeyay Cadaado+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In