Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Itoobiya oo sheegtay in hawsha Biyo Xireenka Al-Nahda ay ku dhicidoonto waqtigii loo qorsheeyay

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Itoobiya oo sheegtay in hawsha Biyo Xireenka Al-Nahda ay ku dhicidoonto waqtigii loo qorsheeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay in geedi socodka buuxinta labaad ee biyo xireenka Al-Nahda ee Wabiga Niil, uu ku dhici doono waqtigii loogu talagalay.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Waraabka Itoobiya, ayaa waxay lagu sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay buuxinta Biyo xireenkan, iyada oo si wada jir ah looga qeyb galaayo.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026

Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta Itoobiya, Eng. Silishi Bekele, ayaa ugu baaqay Suudaan iyo Masar, inay soo magacaabaan hawlwadeenno ugu qeyb gala hawsha Biyo xireenka si ay isu weydaarsadaan xogta iyo hawsha ka hor inta aan la bilaabin buuxinta labaad ee Biyo xireenka Al Nahda.

Warqad ku socoto Wasiirada arrimaha Biyaha ee Suudaan iyo Masar, ayaa lagu baahiyay warbaahinta Itoobiya, taa oo looga codsanayo in Dawladahan ay soo magacaabaan dadka ka shaqeeyndoona Biyo xireenka inta aanan lagaarin bilaha July iyo Ogosto ee 2021.

Dhanka kale waddamada Masar iyo Suudaan ayaa sheegay rabitaankooda ku aadan in la gaaro heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan ka shaqeynta biyo xireenka inta aan la buuxin, balse Itoobiya, ayaa sheegtay in howshan ay muhiim u tahay oo aan dib loo dhigi karin.

Biyo xireenka Al Nahda ee Wabiga Niil, ayaa la filayaa inuu noqdo isha ugu weyn ee laga dhaliyo tamarta korantada ee Qaaradda Afrika.

Previous Post

Dad dibadbaxayay oo  lagu dilay  Myanmar

Next Post

Magaalada Cadaado oo maanta laga tukaday salaad Roob-doon ah

Next Post
Magaalada Cadaado oo maanta laga tukaday salaad Roob-doon ah

Magaalada Cadaado oo maanta laga tukaday salaad Roob-doon ah

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

April 1, 2026
0

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In