Qalabkaan caafimaad oo nuucyo kala duwan isugu jira kana yimid jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden isla markaa loogu tala galay in lagu qalabeeyo isbitaalka degaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay wakiil ka socday isbitaalkaas iyadoo uu balan qaaday in si dhaqso ah halkaa lagu garasiin doono qalabkaan.
Cabdi Cilmi Dagel oo wakiil ka ahaa Jaaliyadda Jaaliyadda Galmudug ee Sweden ayaa qalabkaan wareejiyay waxaana uu sheegay in Jaaliyadu u wakiilatay in qalabkaan uu garao dadkii loogu tala galay ujeedkuna yahay in dadka Bandiiradley ay helaan adeeg caafimaad oo hufan.
Sheikh C/qaadir Macalin Maxamuud Cadnaan oo wakiil ka ah maamulka Isbitaalka Bandiiradley ayaa la wareegay qalabka waxaana uu balan qaaday in sidii loogu talagalay uu u gaari doono isbitaalka waxaana uu u mahad celiyay Jaaliaydda Sweden.
Magaalada Bandiiradley ee gobolka Mudug ayaa ka mid ah degaanada ay ka jiraan baahiyaha dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada ee muhiimka u ah bulshada. waxaana dhawaan halkaa laga hirgaliyay Isbitaal adeegyo aan badneyn u qabta bulshada degaanka Magaalada Bandiiradley oo ka tirsaan gobolka mudug,qalabkaan ayaa lagu tala galay in lagu qalabeyo isbitaalka si dadka loogu adeego .
jaaliyada soomaaliyeed ee dalkasi sweden ayaa balan qaaday inay markale soo garsiin doonaan qalab Isbitaalka Degaanka Bandiiradley ee Gobolka Mudug.