Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Limpopo oo guddoomiye doortay “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Limpopo oo guddoomiye doortay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay Gudoomiyihii hore Gobolka Limpopo ee Dalka Koonfur Afrika ayaa lagu qabtay Magaalada Polokwane ee wadankaasi.

Xafladani ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalkani mas’uuliyiin ka socday Dowladda Koonfur Afrika  Waxgarad, Ganacasto  iyo qaar ka mid ah Madaxda Jaaliyadaha  Dalka, iyadoo halkaasina laga jeediyay khudbado.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Dadkii ka hadlay madasha Xafladda ayaa intooda badan u mahadcelinayay Gudoomiyahii hore iyo waxqabadkiisa iyagoo dhanka kale kula dardaarmayay Gudoomiyaha la calaameyo saarayay inuu xilkiisa ugu so baxo si hufnaan leh.

Gudoomiyihii hore ee Jaaliyadda Limpopo Dr Maxamed Cabdullahi oo hadalo kooban ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu xilka ku wareejiyo Gudoomiyahan cusub kadib muddo badan uu arimaha Jaaliyadda wax kasoo qabtay waxa uuna kula dardaarmay Gudoomiyaha cusub inu howshaasi halkaasi kasii wado.

Madaxdii ka socotay Dowlad Goboleedkaasi ayaa iyana dhankoodii Ganacsatada Soomaalida ku amaanay isku xirnaan,waxa ay dhinaca kale ballanqaadeen inay la shaqeyn doonaan cid walboo ay Soomaalida soo doorato.

Gudoomiyaha cusub ee la caleema saarayay Daahir  Xasan Hilowle oo khudbad ka jeediyay Xafladda ayaa ugu horeyn u mahadceliyay dhamaan dadkii ka soo qeybgalay iyo Gudoomiyihii hore,waxana sheegay in ay isku duubni sameeyaan Jaaliyadda.

“Waxaan rabaa inaan ugu mahadceliyo Gudoomiyihii hore ee Gobolkan Limpopo oo sharafta mudan si xorriyad ah xilka u wareejiyay,waxaa kaloon rabaa guddigii guurtada ee Limpopo oo har iyo habeen u taagnaa sidii ay u mideyn lahaa,waxaan rabaa inaan hortiina ka cadeeyo sidii la ii  doortay inaan Umadda si daacad ah ugu shaqeeyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyntii siihaya Xilka Safiirka ahna Xoghaya koowaad Mudane Ismaaciil Cabdalla Soomane oo isna ka mid ahaa dadkii ka hadlay Xafladda ayaa ku dhiiragaliyay Jaaliyadda inay isku xirnaadaan kuna xirnaadaan Safaaradooda isagoo ballanqaaday in Safaaradda  kaalinteeda ka qaadan doonto u adeegidda Jaaliyadda.

“ Reer Limpopo hadii aad tihiin waxaan u baahanahay inaad hogaan u noqotaan Jaaliyadaha imaan doono hadii Illah yiraahdo,wax badan ayaa qabsoomi doonaa  waxaan u baahanahay midnimo waxaan u baahanahay inaad gacmaha is qabsataan waxaan u baahanahay inaad Qaranka taakuleysaan waxaan u baahanahay inaad Safaaradda taakuleysaan idinka naftigiina is caawisaan,in maamulka aad sameysateen inaad la shaqeysaan”. ayuu yiri Ismaaciil.

Gabagabadii Xafladda ayaa waxaa Shahaadooyin la  gudoonsiiyay qaar ka mid ah Xubniha ugu firfircoonaa u adeegidda Jaaliyadda ,waxa ay Xafladda ku soo idlaatay jawi wanaagsan.

DSCN0032 DSCN0033 DSCN0044 DSCN0046 DSCN0049 DSCN0057 DSCN0076 DSCN0099 DSCN0166

 C/qaadir Axad Warbaahinta Qaranka,Limpopo K/Afrika

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay Isbitaalka Deyniile-Sawirro

Next Post

Muungaab oo qado u sameeyey salaadiin Soomaliyeed oo horkacayey Boqor Burhaan-Sawirro

Next Post
Muungaab oo qado u sameeyey salaadiin Soomaliyeed oo horkacayey Boqor Burhaan-Sawirro

Muungaab oo qado u sameeyey salaadiin Soomaliyeed oo horkacayey Boqor Burhaan-Sawirro

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In