Saturday, January 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Limpopo oo guddoomiye doortay “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Limpopo oo guddoomiye doortay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay Gudoomiyihii hore Gobolka Limpopo ee Dalka Koonfur Afrika ayaa lagu qabtay Magaalada Polokwane ee wadankaasi.

Xafladani ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalkani mas’uuliyiin ka socday Dowladda Koonfur Afrika  Waxgarad, Ganacasto  iyo qaar ka mid ah Madaxda Jaaliyadaha  Dalka, iyadoo halkaasina laga jeediyay khudbado.

Related posts

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

January 3, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

January 3, 2026

Dadkii ka hadlay madasha Xafladda ayaa intooda badan u mahadcelinayay Gudoomiyahii hore iyo waxqabadkiisa iyagoo dhanka kale kula dardaarmayay Gudoomiyaha la calaameyo saarayay inuu xilkiisa ugu so baxo si hufnaan leh.

Gudoomiyihii hore ee Jaaliyadda Limpopo Dr Maxamed Cabdullahi oo hadalo kooban ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu xilka ku wareejiyo Gudoomiyahan cusub kadib muddo badan uu arimaha Jaaliyadda wax kasoo qabtay waxa uuna kula dardaarmay Gudoomiyaha cusub inu howshaasi halkaasi kasii wado.

Madaxdii ka socotay Dowlad Goboleedkaasi ayaa iyana dhankoodii Ganacsatada Soomaalida ku amaanay isku xirnaan,waxa ay dhinaca kale ballanqaadeen inay la shaqeyn doonaan cid walboo ay Soomaalida soo doorato.

Gudoomiyaha cusub ee la caleema saarayay Daahir  Xasan Hilowle oo khudbad ka jeediyay Xafladda ayaa ugu horeyn u mahadceliyay dhamaan dadkii ka soo qeybgalay iyo Gudoomiyihii hore,waxana sheegay in ay isku duubni sameeyaan Jaaliyadda.

“Waxaan rabaa inaan ugu mahadceliyo Gudoomiyihii hore ee Gobolkan Limpopo oo sharafta mudan si xorriyad ah xilka u wareejiyay,waxaa kaloon rabaa guddigii guurtada ee Limpopo oo har iyo habeen u taagnaa sidii ay u mideyn lahaa,waxaan rabaa inaan hortiina ka cadeeyo sidii la ii  doortay inaan Umadda si daacad ah ugu shaqeeyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyntii siihaya Xilka Safiirka ahna Xoghaya koowaad Mudane Ismaaciil Cabdalla Soomane oo isna ka mid ahaa dadkii ka hadlay Xafladda ayaa ku dhiiragaliyay Jaaliyadda inay isku xirnaadaan kuna xirnaadaan Safaaradooda isagoo ballanqaaday in Safaaradda  kaalinteeda ka qaadan doonto u adeegidda Jaaliyadda.

“ Reer Limpopo hadii aad tihiin waxaan u baahanahay inaad hogaan u noqotaan Jaaliyadaha imaan doono hadii Illah yiraahdo,wax badan ayaa qabsoomi doonaa  waxaan u baahanahay midnimo waxaan u baahanahay inaad gacmaha is qabsataan waxaan u baahanahay inaad Qaranka taakuleysaan waxaan u baahanahay inaad Safaaradda taakuleysaan idinka naftigiina is caawisaan,in maamulka aad sameysateen inaad la shaqeysaan”. ayuu yiri Ismaaciil.

Gabagabadii Xafladda ayaa waxaa Shahaadooyin la  gudoonsiiyay qaar ka mid ah Xubniha ugu firfircoonaa u adeegidda Jaaliyadda ,waxa ay Xafladda ku soo idlaatay jawi wanaagsan.

DSCN0032 DSCN0033 DSCN0044 DSCN0046 DSCN0049 DSCN0057 DSCN0076 DSCN0099 DSCN0166

 C/qaadir Axad Warbaahinta Qaranka,Limpopo K/Afrika

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay Isbitaalka Deyniile-Sawirro

Next Post

Muungaab oo qado u sameeyey salaadiin Soomaliyeed oo horkacayey Boqor Burhaan-Sawirro

Next Post
Muungaab oo qado u sameeyey salaadiin Soomaliyeed oo horkacayey Boqor Burhaan-Sawirro

Muungaab oo qado u sameeyey salaadiin Soomaliyeed oo horkacayey Boqor Burhaan-Sawirro

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NEW YORK):-Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan si rasmi ah ula soo wareegtay hoggaanka wareegtada ah ee Golaha Ammaanka...

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAAY):-Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay fuliyay hawlgal gaar...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Bulshada Dhuusamareeb Kula Caweeyay Goobaha Nasashada

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Bulshada Dhuusamareeb Kula Caweeyay Goobaha Nasashada

January 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO(GALMUDUG):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga Dhuusamareeb, ayaa caawa tagey...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey deegaanka Wargaadhi

January 2, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo deegaanka ayaa maanta jab xooggan gaarsiiyey kooxda Khawaarijta ah, kadib markii ay isku dayeen inay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In