Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaalida Karachi oo dooratay gudoomiye cusub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Jaaliyadda Soomaalida Karachi oo dooratay gudoomiye cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad ballaaran oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay  magaalada Karachi ee koonfurta wadanka Pakistan.

Xafladaan  ayaa ujeedadeedu aheyd sidii loo dooran lahaa hoggaanka jaaliyadda magaalada Karachi ee gobolka Sindh Pakistan, iyadoo hoggaankii hore  xilkii ka dhamaaday , xafladfa waxaa soo qaban qaabiyey guddi ka kooban 7 xubnood  kuwaas oo ay soo magacaabeen odayaasha magaalada Karachi  dhaqaalaha ku baxayna waxaa bixisay safaaradda Soomalidu ku leedahay waddanka Pakistan oo ay hormuud ka tahay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya wadanka Pakistan.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026

Waxaa ka hadlay xafladda gudoomiyaha guddiga qaban qaabada  Abubakar Xasan Maxamed  isagoo  u mahad celiyey Danjiraha  Safaaradda Soomalida ee Pakistan Khadiijo Al-makhsuumi  iyo shaqaalaha safaaradda ee gacantii xoogga laheyd  ka gaysteen qabashada xafladda,  intaas kadib waxuu marti sharaftii loo qeybiyay jadwalka xafladda
Iyadoo la siiyay waqti kooban lasiiyey tar tamayaashii uu tartamayey hoggaanka jaaliyadda Karachi oo ahaa 4 musharax mid kastaana waxuu soo bandhigay waxa ay tahay in lagu doorto iyo waxa uu qabanayo haddii la doorto.

Codeynta oo aheyd mid qarsoodi ah ayaa lagu ridayey santuuq la dhigay dadka hortooda qof walbana arki karay,  wareeggii koobaad waxaa iskugusoo haray laba musharax,  iyadoo wareegi  labaad uu ku guuleystay musharax Siciid Cabdi Kulane  oo helay 74 cod halka C/fitaax C/qaadir Cismaan uu helay 71 waxaana  guddigu sheegeen in Siciid yahay hoggaanka jaaliyadda Soomalida Karachi, tartamayaashii oo hadlay waxay qireen in cod bixintu aheyd mid xalaal ah kuna qanacsanyihiin natiijada doorashada.

Intaas kadib waxaa madasha hadal kooban ka  jeediyey Dr. Xasan Hilowle oo ka mid ah ganacsatada magaalada isagoo la dar daarmay gudoomiyaha cusub inuu ku dadaalo u shaqeynta dadka oo dhan.

Gaba gabadii xaflada waxaa lagu doonsiiyey haddiyo sharafeed Danjiraha Soomaaliya ee dalka Pakistan  iyo qunsulka magaalada Karachi u qaabilsan kuwaas oo aan madasha soo xaadirin uuna u gudoomay Axmed Faarax Ciidle Saki oo kasocday qunsuliyadda, waxaa kaloo iyana  haddiyad sharafeed la guuddoonsiiyey guddigii  ku meelgaarka ahaa ee jaaliyadda Karachi.

Ugu danbeyn guddoomiyaha cusub ee la doortay oo hadal kooban ka jeediyey madasha ayaa u mahad celiyey dhamaan kasoo qeyb  galayaasha xafladda,  waxuuna codsaday in lala shaqeeyo ee aan howsha isaga kaliya lagu haleyn.

Waa markii ugu horreysay ee Safaaradda Soomalida  bixiso kharashaadka ku baxay xaflad Soomalida leedahay oo lagu qabto magaalada Karachi, taasoo dhamaan dadkii madasha ka hadlay u mahad celiyeen safaaradda  kuna amaaneen Danjiraha.

Mursal Mohamud Osman
Karachi Pakistan

Previous Post

RW Ku-Xigeenka XFS oo guddoomiyay shirka Guddiga Sugidda Amniga Doorashooyinka

Next Post

Akhriso Liiska Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Soomaaliya

Next Post
Maxaa ku soo kordhay goobihii ay wax ka dheceen? Dhageyso Wariye Cabdi casiis Africa?

Akhriso Liiska Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Soomaaliya

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska...

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In