Shirka shidaalka ee dalka Qatar ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan QAPCO ayaa tartan kubadda cagta ah oo ay soo qaban qaabisay lagu soo gabo gabeeyay magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar, kaasi oo ay ka qeyb galeen kooxo ku cayaarayay Jaaliyadaha ku nool dalkaasi.
Gabo gabadii tartanka oo ay isugu soo hareen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar iyo koox kale oo ku cayaareysay magaca shirkadda QAPCO ayaa waxaa koobkaasi ku guuleysatay tartankii ay sanadkan laga qabtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qatar ku badiyay 3-0 oo ay afka ciidda u dareen kooxdii magaca QAPCO, waxaana munaasabad abaal marin lagu guddoonsiinayay cayaartooyda Soomaaliyeed lagu qabtay dalkaasi, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar.
Xafladda oo ay ka hadleen mas’uuliyiin kala duwan ayaa hadalo dar daaran iyo bogaadin loo soo jeediyay cayartooyda Soomaaliyeed ee ka qeyb galay tartanka kubadda cagta, iyadoo abaal marino lagu guddoonsiiyay cayaartooydii ku guuleysatay tartanka jaaliyadaha ee kubadda cagta, laguna amaanay dadaalka ay muujiyeen inta uu socday tartanka.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar ayaa lagu amaanay cayaar wanaaga ay soo bandhigeen inta uu tartanka socday.