Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliyeed Oo Loogu Baaqay Inay Ka Qeyb Qaataan Dhameystirka Dhismaha Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Jaaliyadda Soomaaliyeed Oo Loogu Baaqay Inay Ka Qeyb Qaataan Dhameystirka Dhismaha Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ugu baaqday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya in ay ka qeyb qaataan dhameystirka dhismaha dhulka safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalkaas Kenya.

Safiirka safaaradda Soomaaliya ee  ee dalka Kenya, Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo uu wehliyo safiir ku-xigeenka safaaradda ahna qunsulka 1-aad ee safaaradda, Mudane Suudi Saciid Suudi, ayaa maanta booqday Dhulka safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ujeedka booqashada mas’uuliyiintan ayaa aheyd u kuurgelidda halka uu marayo dhismaha dhulka safaaradda iyo baaq ay u jeedinayeen bulshada Soomaaliyeed oo ku aadanaa in ay ka qeyb qaataan dhameystirka dhismaha dhulka safaaradda.

Safiir ku-xigeenka safaaradda, Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna qunsulka 1-aad ee safaaradda, Mudane Suudi Saciid Suudi oo Warbaahinta kula hadlay dhulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka codsday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya in ay si hagar la’aan ah uga qeyb qaataan dhameystirka dhulka Safaaradda.

Sidoo kale Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa isna ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya in ay ka qeyb qaataan dhameystirka dhismaha Dhulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo meel gabo gabo ah.

Dhulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa gacanta dowladda Soomaaliya ugu soo laabtay sanadkii 2010-ka kaddib dacwad dheer oo lala galay nin Hindi ah oo dhulkaasi iibsaday billowgii sagaashameeyadii.

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada Oo Qorsheyneyso Dhismaha Xarun Cusub “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug Iyo Hirshabeelle Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug Iyo Hirshabeelle Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug Iyo Hirshabeelle Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In