Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliyeed Oo Loogu Baaqay Inay Ka Qeyb Qaataan Dhameystirka Dhismaha Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 9, 2020
in Wararka
0
Jaaliyadda Soomaaliyeed Oo Loogu Baaqay Inay Ka Qeyb Qaataan Dhameystirka Dhismaha Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ugu baaqday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya in ay ka qeyb qaataan dhameystirka dhismaha dhulka safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalkaas Kenya.

Safiirka safaaradda Soomaaliya ee  ee dalka Kenya, Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo uu wehliyo safiir ku-xigeenka safaaradda ahna qunsulka 1-aad ee safaaradda, Mudane Suudi Saciid Suudi, ayaa maanta booqday Dhulka safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Ujeedka booqashada mas’uuliyiintan ayaa aheyd u kuurgelidda halka uu marayo dhismaha dhulka safaaradda iyo baaq ay u jeedinayeen bulshada Soomaaliyeed oo ku aadanaa in ay ka qeyb qaataan dhameystirka dhismaha dhulka safaaradda.

Safiir ku-xigeenka safaaradda, Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna qunsulka 1-aad ee safaaradda, Mudane Suudi Saciid Suudi oo Warbaahinta kula hadlay dhulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka codsday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya in ay si hagar la’aan ah uga qeyb qaataan dhameystirka dhulka Safaaradda.

Sidoo kale Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa isna ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya in ay ka qeyb qaataan dhameystirka dhismaha Dhulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo meel gabo gabo ah.

Dhulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa gacanta dowladda Soomaaliya ugu soo laabtay sanadkii 2010-ka kaddib dacwad dheer oo lala galay nin Hindi ah oo dhulkaasi iibsaday billowgii sagaashameeyadii.

 

 

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada Oo Qorsheyneyso Dhismaha Xarun Cusub “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug Iyo Hirshabeelle Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug Iyo Hirshabeelle Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug Iyo Hirshabeelle Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In