Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Angola ayaa maanta iskugu timid kulan ballaran oo lagu weyneynayo dhalashada Nabi Muxammad (NNKH) isla markana la isku dar daarmay in xabibkena (NNKH) markaste la xuso maadama aynu nahay dad muslimiin ah.
Inti kulanku socday waxa mesha ka hadlay Sheekh Cabdullahi iyo Sheekh Axmed iyago qudbadohooda kuso qaatay tariikhdii wanagsaneyd iyo xilligi udhashay Nabigeena Muxammad (SCW) iyado sidokale la isku dardarmay isku duubni iyo in aan laga daalin xuska Nabiga (SCW)
Marki culimado eey so gabageyen khudboyinka waxa hadalka qatay guddomiyihi hore ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Angola mudane Maxamed Cabdi (Warsame) Maxamed Dheere oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay isku imaanshaha iyo weyneynta dhalashada Nabigeena Muxammad (NNKH) isagoo culimada ugu baaqay in la sameeyo guddi u istaaga sidii loo sameyn laha goobo wax barasho iyo in dhallinyarada la baro siirada Nabiga.
Intas kadib waxaa meesha looga dhawaqay gudo ka koban 7 xubnood isla markana laga sugayo iney badiyaan wacdiyada iyo muxadarooyinka, loogana baahanyahay iney isku xiran dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliyeed ee ku nool dalka Angola.