Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda Carabta oo ku dhawaaqday qabashada shir looga hadlaayo abaaraha ka jira Soomaaliya

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Jaamacadda Carabta oo ku dhawaaqday qabashada shir looga hadlaayo abaaraha ka jira Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Hossam Zaki, ayaa shaaca ka qaaday in 6-da bisha December ee soo soota la qaban doono  shir caalami ah oo ku saabsan  sidii looga hortagi lahaa abaaraha ka jira Soomaaliya,isla markaana, kor loogu qaadi lahaa haqab-beelka cuntada iyo kor u qaadista awoodda la qabsiga isbedelka cimilada ee Soomaaliya.

Shirweynahaasi ayaa la filayaa in ay  garwadeen ka noqdaan Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay,si looga hortago khatarta macluusha ee Soomaaliya, kadib markii tirada dadka ay abaaruhu saameeyeen ay gaareen ilaa 7.8 milyan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Danjire Zaki oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta xoghaynta guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto abaar daran, taasoo ah tii ugu darneyd ee soo marta dalka muddo dhowr iyo labaatan sano ah, kadib markii la waayey roobabkii muddo 5 sano, taasina keentay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay la noolaadaan dhibaato abaareed,

Waxa uu tilmaamay in Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit uu la xiriiray Madaxweynaha Somalia, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia iyo Madax badan oo Somalia ka tirsan, isla markaana ay ka wadahadleen wax ka qabashada  musiibadan ka jirta Soomaaliya iyo sidii  looga bixi karo duruufaha taagan.

“shirkaan caalamiga ah ee Carabtu waa in la isku duba rido qorshayaal hawleed u dhexeeya ururada maxaliga ah, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya si loo wajaho xaaladda ka jirta Soomaaliya ayuu yiri” Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Hossam Zaki.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Qatar

Next Post

Guddiga difaaca ee BJFS oo yeeshay kulan muhiima

Next Post
Guddiga difaaca ee BJFS oo yeeshay kulan muhiima

Guddiga difaaca ee BJFS oo yeeshay kulan muhiima

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In