Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda Hope oo qabatay xaflad Qalin jabin ah-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Jaamacadda Hope oo qabatay xaflad Qalin jabin ah-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

70 arday oo 20 kamid ah ay gabdho yihiin ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho loogu qabtay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay kadib markii Jaamacadda Hope qeybteeda Muqdisho,waxayna ardaydan barteen Kuliyadaha kala ah Public health, Horumarinta iyo xiriirka Caalamiga ah.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare, Ambasodor Diinaari,maamulka sare ee Jamacadda,waalidiin iyo marti sharaf kale.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026

Qaar kamid ah ardayda Jamacada ayaa goobta ku soo bandhigay suugaan kale duwan oo ay ka qyebgaliyaasha xaflada ku madadaalinayeen.

Prof Najiib Sheekh C/kariim oo ah gudoomiyaha guud ee Jaamacadda Hope oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa ardayda waxaa uu ku booriyay in ay dalka horumar ku soo kordhiyaan ,isagoo sidoo kalena xusay in Jaamacadda Kuliyado cusub qorsheynayso.

Guddoomiye Najiib ayaa sheegay in sadex Kuliyadood oo kala ah Kuliyadda Sheybaarka, Umulisonimada ama midwifery iyo cilmiga caafimaadka carruurta ee Pediatric, waxaana uu intaa ku daray in sidoo kale qorshaha dhow uu yahay in shahaadada sare ee PhD ay dalka Keento Jaamacadda Hope.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in wasaaraddu meel geba gebo ah uu u marayo xeerka waxbarashada sare isla markaana la dhisay gudiga sare ee waxbarashada dalka.

Mudane Ismaaciil ayaa tilmaamay in xeerka sare ee waxbarashada dalka dhowaan la soo saari doono isla markaana loo soo bandhigi doono dhamaan Jaamacadaha dalka iyo umadda Soomaaliyeed si loo kala ogaado midda Jaamacad u qalanta iyo tan aan u qalmin.

Jaamacadda Hope faraceeda magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay aheyd Jaamacadii ugu horeysay ee dalka keenta daraasada sare ee Master, waxayna Jaamacadu bixisaa dhowr Kuliyadood oo ay kamid yihiin Kuliyadda Caafimaadka guud ee Public Health,xiriirka Caalamiga ah iyo kuwo kale, iyadoo dufcaddii 8 aad oo Jaamacadda ka qaata shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda ay maanta ka qalin jabisay.

IMG_0215 IMG_0272 IMG_0272_1  IMG_0309 IMG_0317 IMG_0537 IMG_0552  IMG_0637 IMG_0657 IMG_0663 IMG_0669

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Faransiiska oo daadad ay dad ku dileen-Sawirro

Next Post
Faransiiska oo daadad ay dad ku dileen-Sawirro

Faransiiska oo daadad ay dad ku dileen-Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In