Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda Hormuud oo maanta xaflad qalin jabin ah sameysay-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Jaamacadda Hormuud oo maanta xaflad qalin jabin ah sameysay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasadan oo loo qabtay  arday dhameysatay kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Hormuud ee magadalada Muqdisho, kuwaas oo iskugu jiray kuwa dhameystay shahaada koowaad ee jamacada ( Bachelor degree)  iyo kuwa  dhameystay waxbarashada sare   ee Master-ka ayaa maanta lagu qabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala  socday wasaarada waxbarashada dalka ,wasaarada haweenka,gudoomiyaal degmo,maamulka jaamacada Hormuud,maamulka jaamacada Lincoln arday iyo marti sharaf kale.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Jamacaada Lincoln ee fadhigeedu yahay dalka Malaysia ayaa jaamacadda Hormuud ka gacan ka siisay fududeynta waxbarashada sare ee Master degree, gudoomiyaha jaamacadaasi Dr Amina Bube, oo xaflada ka hadlay ayaa u mahadceliyay madaxda iyo ardayda jaamacadaasi ka aflaxay,isagoo sidoo kale tilmaamay jaamacada Lincoln ay sii wadi doonto iskaashiga ka dhaxeeya labada jaamacadood.

“Anigoo ku hadlaya magaca maamulka jaamacada Lincoln Malaysia waxaan ku farax sanahay inaan ka soo qeybgalo munaasabada qalin jabinta ah, waa guul aad gaarteen waa idiin hambalyeenaa, waxaan idiin leeyahay howshaan sii wada ma dhamaan cilmiga. anaga waxaan ku dadaali doonaa inaan sii wadno howsha darasada sare,” ayuu yiri Dr Bube.

Gudoomiyaha jaamacada, Hormuud Aadan Shidane Guuleed, oo goobta hadal koban ka jeediyay ayaa isna bogaadiya arday qalin jabiyay,ka maamul ahaana sheegay in ay sii wadi doonaan sara u qadista tacliinta.

“Runtii farxad weyn ayay ii tahay inaan arko tiradaan oo jaamacad Hormuud ka soo baxday, waana wada jamiciyiin, guul ayaa idiin rajeynaa siina wada, ka maamul ahaan waxaa sii balaarin doonaa dhanka kuliyadaha inta badan waxaan ku dadaalnaa inaan soo saanro arday tayeesan,” ayuu sheegay Shidane.

Agaasimaha manaahijta ee wasaarada waxbarashada, mudane Muuse Faarax Haybad, ayaa maamulka jaamacada Hormuud ku ugu baaqay inay kuliyadaha ay bixiyaan ku soo daraan kuliyada macalimiinta,oo uu tilmaamay inay muhiim tahay.

“Aniga waxaan si gaar ah uga codsanaa maamulka jaamaada Hormuud inay kuliyadaha ay bixiyaan ku soo daraan kuliyada macalimiinta oo aan is leeyahay waa muhiim, dhinaca kale waxaan bogaadinaa maamulka sare ee jamacada” ayuu yiri agaasime Haybad.

Jaamacada Hormuud, waxaay ka mid tahay jaamacdaha burburkii ka dib dalka la hirgeliyay, waxaana la yagleelay sanadii 2010-ka, ardaydaana waa dufcadii labaad ee ka aflaxa jaamacadda.

Sequence 06.Still002 Sequence 06.Still003 Sequence 06.Still004 Sequence 06.Still005 Sequence 06.Still006 Sequence 06.Still007 Sequence 06.Still008 Sequence 06.Still009 Sequence 06.Still010 Sequence 06.Still011

 

Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

War-saxaafadeed : Dowladda Soomaaliya oo Xiriirka u jartay Iran

Next Post

War-saxaafadeed : Dowladda Soomaaliya oo Xiriirka u jartay Iran

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In