Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda SIU oo qabatay munaasabad lagu taageerayay wax qabadka guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Siihayaha Wasiirka Caafimaadka “Jaamacadda SIU tallaabo aad u muhiimsan ayay qaaday oo aan horey loo arag” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu taageerayay waxqabadka Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe oo ka mid ah bahda Jaamacadda SIU, ayna soo qaban qaabiyeen ardayda Jaamacadda, gaar ahaan kuliyadda siyaasadda iyo culuumta bulshada ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno, aqoonyahanno, ururadda bulshada rayidka, mas’uuliyiinta iyo maamulka sare ee Jaamacadda SIU, odoyaal dhaqameed, ardayda Jaamacadda iyo marti sharafa kale ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa mas’uuliyiintii ka hadashay waxa ay ammaan iyo bogaadin u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe mudada kooban waxqabadka uu la yimid, iyagoo maamulka sare ee Jaamacadda ku tilmaamay in ay yihiin dad aqoon u leh inay soo saaraan hogaamiyeyaasha mustaqbalka dhaw.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Hormuudka Jaamacadda SIU Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa xusay in munaasabadaan ay u qabteen markii ay arkeen waxqabadka muuqdo ee uu soo bandhigay Guddoomiye Guudlaawe oo ka mid ah bahda Jaamacadda SIU.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan “Sheekh Cali Wajiis” oo isna goobta hadal ka jeediyay ayaa Ardayda Jaamacadda uga mahadceliyay sida ay u garteen in ay soo bandhigaan waxqabadka Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish, Xildhibaan Prof Cabdiraxmaan X.Aadan Ibbi iyo Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud ayaa si wada jir ah u shaaciyay in waxqabadka Guddoomiyaha ay tahay mid ka timid waxa uu ka bartay Jaamacadda SIU.

Ugu dambeyntii munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay muuqaal ka turjumaya Waxqabadka Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe.

Previous Post

Shirka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay”Sawiro”

Next Post

Dowladda Federaalka waxey soo dhoweyneysaa Zakariya diidmada uu iska diiday fikirka colaadaha ee Al-Shabaab iyo sida uu nabadda u qaatay

Next Post
Dowladda Federaalka waxey ka digeysaa wararka been abuurka ah ee sheegaya in cudurka Ebola calaamadihiisa lagu arkay Soomaaliya

Dowladda Federaalka waxey soo dhoweyneysaa Zakariya diidmada uu iska diiday fikirka colaadaha ee Al-Shabaab iyo sida uu nabadda u qaatay

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In