Tuesday, June 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda SIU oo sagootisay in ka badan 80 arday iyo wafdigii ka socday  5 Jaamacadood oo dibada ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 7, 2016
in Wararka
0
Jaamacadda SIU oo sagootisay in ka badan 80 arday iyo wafdigii ka socday  5 Jaamacadood oo dibada ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad sagootin ah oo Jaamacadda SIU  ay u sameysay in ka badan 80 arday iyo waftigii ka socday Jaamacadaha saaxiibka la ah ee ka qeybqaatay xafladdii qalinjabinta SIU, kuna sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho.

Xaflad sagootinta oo ardayda baxday oo tiradoodu gaareyso 85 arday oo ka tirsan kuliyadaha Caafimaadka iyo Injieeriyada, laguna qabtay garoonka diyaaradaha Aadan-cade ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka qeyb galay Xildhibaan Prof Cabdiraxmaan Ibbi, Maamulka Jaamacadda iyo waalidiinta ardayda la sagootinayay, kuwaasi oo sanad waxbarasho ku soo qaadan doono Jaamacadaha kala ah Makerere University, Mbrara University of Science and Technology, Gulu University,  Kenyatta University iyo University of Nairobi, ee dalalka Uganda iyo Kenya.

Related posts

SoDMA oo ka qeyb-gashay shirweynaha arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka

SoDMA oo ka qeyb-gashay shirweynaha arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka

June 10, 2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025

Abshir Maxamed Cadow oo ku hadlayay magaca waalidiinta ayaa maamulka Jaamacadda uga mahadceliyay tayaynta taclinta sare, ardaydana ku booriyay inay ka faa’iideystaan fursadan, isagoo xusay inay marqaati ka yihiin in u badkooda ka faa`iideysanayaan fursadaan qaaliga ah ee ay maamulka Jaamacadda SIU u sameynayaan.

Hormuudka kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda SIU, Dr. Cali Maxamed Jimcaale ayaa tilmaamay in ay tahay dufcaddii 3aad ee ay Jaamacadda dalka dibadiisa u dirto, kuwaasi oo qeyb ka ah heshiisyada caalamiga ah ee ay Jaamacaddu la gashay Jaamacadaha ku yaala bariga Afrika.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Dr. C/raxmaan Jaamac Ducaale  ayaa sheegay in mudo 3 sano ah, ay Jaamacadda SIU arday u diraysay dibadda, ayna ka go’antahay sare u qaadista tayaynta tacliinta sare ee dalka, isagoo kula dardaarmay ardayda, inay si wanaagsan uga soo faa`iideystaan mudada sanadka ay waxbarashada ku maqan yihiin,  dufcadda 3aad ee maanta Jaamacadda SIU dibada u dirtay, oo uu kula dardaarmay in ay ka turjumaan magaca ay xambaarsanyihiin ee Dadka iyo Dalka.

Ugu dambeyntii waxaa ardayda la dardaarmay Xildhibaan Professor Abdirahman Aden Ibrahim (IBBI), kuna amaanay dowrka wanaagsan ee Jaamacadda SIU ugu jirto tayeynta tacliinta sare ayna tahay taariikhda markii ugu horaysay oo arday dhan 85 arday hal maalin wada baxaan, iyagoo ka soo faa`iideysanaya barnaamijka isweydaarsiga ardayda ee SIU la lee dahay Jaamacadaha ugu waaweyn Afrika.

Dhanka kale waftigii ka qeybgalay xafladdii qalinjabinta SIU ee ka kala socday Jaamacadaha Makerere University, Mbarara University of Science and Technology, Gulu university,  Kenyatta Universty iyo University of Nairobi, ayaa xaflad sagootin ah loogu qabtay Hotel City Palace laguna gudoonsiiyay hadiyado qaali ah, Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Dr.C/raxmaan jaamac Ducaale  ayaa ugu mahadceliyay waftiga waqtiga qaaliga ah, ee ay u hureen SIU iyo dhamaan Bulshada Soomaaliyeed, waxaa magaca waftiga ku hadashay Prof. Zipporah oo ka socotay Jaamacadda Nairobi, kana mahadcelisay sida wanaagsaneyd ee loo soo dhaweeyay.

vlcsnap-2016-09-06-17h46m15s572 vlcsnap-2016-09-06-17h46m33s344 vlcsnap-2016-09-06-17h46m48s754 vlcsnap-2016-09-06-17h46m59s244 vlcsnap-2016-09-06-17h47m06s898 vlcsnap-2016-09-06-17h47m13s736 vlcsnap-2016-09-06-17h47m26s950 vlcsnap-2016-09-06-17h47m41s464 vlcsnap-2016-09-06-17h47m55s638 vlcsnap-2016-09-06-17h48m18s358 vlcsnap-2016-09-06-17h48m25s845 vlcsnap-2016-09-06-17h48m38s697 vlcsnap-2016-09-06-17h48m53s599 vlcsnap-2016-09-06-17h49m37s106 vlcsnap-2016-09-06-17h50m05s428 vlcsnap-2016-09-06-17h50m26s235

 

Previous Post

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay ammaanka degmooyinka gobolka

Next Post

Daawo Sawirrada: Xarunta agoonta gabdhaha Boondheere oo laga hirgelinayo Ceel-biyood

Next Post
Daawo Sawirrada: Xarunta agoonta gabdhaha Boondheere oo laga hirgelinayo Ceel-biyood

Daawo Sawirrada: Xarunta agoonta gabdhaha Boondheere oo laga hirgelinayo Ceel-biyood

SoDMA oo ka qeyb-gashay shirweynaha arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka

SoDMA oo ka qeyb-gashay shirweynaha arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka

June 10, 2025
0

Kalfadhigii 8-aad ee shirweynaha afartii sanaba mar la qabto ee looga arrinsado arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka, ee maalmahan ka socday...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In