Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Janaraal Pakistan ah oo loo magacaabay isbaheysiga militiri ee Sacuudiga hogaamiyo

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Janaraal Pakistan ah oo loo magacaabay isbaheysiga militiri ee Sacuudiga hogaamiyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Janaraal Raheel Sharif, oo ahaa taliyihii hore ee ciidanka dalka Pakistan ayaa loo magacaabay in uu hogaa,iyo  isbaheysi militiri oo Sacuudi Carabiya hogaaminayso kaas oo ka kooban 39 dowladood oo kamid ah dalalka Islaamka, iyadoo u jeedka isbaheysiga ay tahay iskaashiga amniga iyo la dagaalanka argagaxisada.

Go’aankan lagu magacaabay Janaraalka howl gabka ah ee  Raheel Sharif, ayaa la gaaray bishii November 2016, sida uu shalay warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka gaashaandhiga ee dalka Pakistan, Khawaja Asif.

Related posts

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026

Wasiirka ayaa imtaa ku daray in go’aanka lagu magacaabay Janaraalka ay wada gaareen labada dowladood.

Sida laga soo xigtay boqortooyada Sacuudiga, isbaheysiga waxaa uu la dagaalami doonaa kooxda Daacish iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah.

Dowladaha isbaheysiga ku jira ayaa waxaa kamid ah; Isutagga Imaaraadka Carabta, Turkiga, Bahrain, Bangladesh, Tunisia, Suudaan, Malaysia, Masar, Yemen iyo kuwo kale.

Iyadoo xarunta isbaheysigan militiri ay noqon doonto caasimadda boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Riyaad.

Maamuliyaasha dalka Pakistan ayaa bilowgii hore ka gows adeegay markii ay sheegeen in Sacuudiga uusan wadatashi fiican kala yeelanin yegleelida isbaheysiga, hase yeeshee sanadkii 2015 ayaa xukuumadda Islamabad ay sheegtay in ay qeyb ka noqoneyso ururkan.

Dowladda Pakistan ayaa waxaa ay ka leex leexaneysay sidii aan wax lug ah ugu yeelan laheyn xasaradda ka jira Bariga dhexe, waxayse sheegeen in ay go’aankan qaateen markii ay heleen xog dhameystirin uu ku saabsan u jeedada isbaheysiga loo alkumay.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa hadda waxaa ay hogaaminaysaa isbaheysiga la dagaalamaya falaagada dalka Yemen ee Xuuthiyiinta ah kuwaas oo inta badan dalkaas gacanta ku dhigay kadib markii laga awood roonaaday dowlada uu madaxda ka yahay hogaamiyaha dibad jooga ah ee Abdu Rabbu Mansour Hadi.

 

Previous Post

Munaasabad lagu furayey xarunta iskaashatooyinka oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

In ka badan 100-Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu xiray wadanka Suudaan

Next Post
In ka badan 100-Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu xiray wadanka Suudaan

In ka badan 100-Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu xiray wadanka Suudaan

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In