Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

JEEM CUP ” Da`yarta Emirates oo Barbardhac ka helay Soomaaliya+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
JEEM CUP ” Da`yarta  Emirates oo Barbardhac  ka helay Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

DOHA:  Da`yarta Ciyaartoyda Iskuulka Muqdisho  ee ku guuleystay tartankii Jeem Cup ee Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare,iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo 05 December 2015 lagu soo gabagabeeyay Caasimadda Muqdisho, Tartankaasina ay ku guuleysteen Iskuulka Muqdisho oo iminkana matelaya Soomaaliya qeybna ka ah Ciyaaryahanada  uga qeybgalaya Tartanka Jeem Cup ee  11 jirada oo ka furmay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Ciyaar  aad u kulul ayay Da`yarta  ciyaaryahanada Soomaaliyeed  kaga hor yimaadeen  Emirates, iyadoo daqiiqadii 2`aad ay suragashay in gool qurux oo dhexda laga soo laaday uu shabaqa ku hubsado ciyaaryahanka Kabtanka ah Cusmaan Salaad Cabdi  kaas oo ay la noqon waysay goolhayaha Emirates awoodda ay kubadda ku soo dhaaftay isla markaana deg dega  shabaqiisa u cuskatay.

Related posts

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026

Fursado  badan oo ay Da`yarta Soomaaliya  iska lumisay ka dib waxaa Ciyaaryahanada Emirates u suragashay daqiiqadii 11`aad inay barbardhac la yimaadeen, iyadoo ciyaartaasi guud ahaan ay ku soo idlaatay 1-1.

“Ciyaaryahanadeena waxay soo bandhigeen ciyaar aan aad ugu qanacsanahay, waxaa Leylinayay Macalimiin khibrad leh sida Cusmaan Maye Abukar halyeey kooxdii Horseed iyo ku xigeenkiisa Cusmaan Cabdi Cusmaan, kulanka xigga ee aan la yeelaneyno Sacuudiga waxaan rajeynaynaa inaan guul ka soo hooyno Iinsha Allaah” ayuu  website-kan u sheegay Maxamed Cusmaan Naastaro  oo dhinaca Maamulka mas`uul uga ah Ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ka qeybgalaysa Tartankan.

Si kastaba Tartankan ayaa furmay 07 Febraayo 2016 waxaa ka soo qeybgalay 17 Iskuul oo ka kala socda wadamada Carabta, waxaana  Soomaaliya (Mogadishu School) Group-ka  C  kuwada jiraan Imaaraadka, Sacuudiya iyo Qadar.  Soomaaliya ayaa  ciyaarta labaad  ee Jeem Cup la ciyaaraya dhiggooda  dalka Sacuudiga  Maalinta Khamiista oo ku beegan 11/02/2016.

8-Mohamed Naastaro 14Somalia_JeemCup

07-Somalia_JeemCup

6-Somalia_JeemCup

05 Somalia_JeemCup

04Somalia_JeemCup

10-10malia_JeemCup

10-Somalia_JeemCup

11-Somalia_JeemCup

13-Somalia_JeemCup

14Somalia_JeemCup

 

Previous Post

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka “Booliska waa saaxiibka koowaad ee shacabka” SAWIRRO

Next Post

Wasiir Odawaa”Baaqnabadeed ayaan u dirayaa Ururka Ahlusunna”

Next Post
Barlamaanka oo su’aalo weydiinaya wasiirka Arrimaha Gudaha

Wasiir Odawaa"Baaqnabadeed ayaan u dirayaa Ururka Ahlusunna"

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In