Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jeneraal Gacma-duule “Qofkii soo dilo xubin Khawaarijta ka tirsan labo kun oo dollar ayuu leeyahay”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Jeneraal Gacma-duule “Qofkii soo dilo xubin Khawaarijta ka tirsan labo kun oo dollar ayuu leeyahay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jeneraal Cali Caraaye Cosoble ( Gacma-duule) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo uu weheliyo Khaliif Cumar Macallin Nuur ayaa dhiiragelin u sameeyay Ciidamada xoogga, gaar ahaan kuwooda ku sugan degmada Ceeldheere ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo guulo wax ku ool ah ka soo hoyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab.

Ragga geesiyaasha ah ee la abaalmariyay waxaa ka mid ah Cabdi Muxudiin Dhalo-weyne oo ku guuleystay in uu meel 94-km u jirta degmada Ceeldheer ku dilay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta, wuxuuna helay abaalmarin lacageed oo ka timid Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Fareey, (lacagta ayaa gaareysa toddobo kun iyo shan boqol oo dollar).

Related posts

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026

‘’Waxaa la abaalmariyay nin la yiraahdo Cabdi Muxudiin Dhalo-weyn oo aad la socotaan in 48-saacadood ka hor meel degmada Ceeldheer u jirta 94-km inuu ku dilay dhagar-qabe ummaddan dhibaato ku hayay, sidaas darteedna ummadda Soomaaliyeed oo dhan u duceysay, laga bilaabo saacaddan hadda aan hadleyno Insh Allah, nin kasta oo fuliyana waajibaad dagaal guulna ka keenna cadowga Al-shabaab sida Dhallo-weyne oo kale, wuxuu leeyahay ninkii madax Al-shabaab keenna 2-kun oo dollar, ‘’ ayuu yiri Jeneraal Gacma Duule.

Sidoo kale, Generaalka Gacma-duule ayaa sheegay in si loo dhiirageliyo Dhalo-weyn, taliyaha ciidamada xoogga dalka uu amar ku bixiyay in saacaddan laga bilaabo uu ka tirsan yahay ciidamada xoogga dalka, taas oo horseedeysa in geesiyaal badan ay ku dhiiradaan in ay dilaan horjoogayaasha Khawaarijta.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka iyo guud ahaan madaxda Dowladda Federaalka ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga dadweynaha ee dagaalka kula jira Khawaarijta in ay sii laba jibaraan howlgallada lagu ciribtirayo  Khawaarijta, islamarkaana askarigii ama shaqsigii soo dila horjooge Al-shabaab la siin doono abaalmarin lacageed uu ku farxo.

Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaannada Galmudug ayaa laga gaaray guulo, waxaana laga sifeeyay arxan-laawayaasha dhul ballaaran oo muddo 15-sanno ka badan shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateynayeen, kuwaas oo aan helin adeegyadii asaasiga ah ee ay u baahnaayeen

Previous Post

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka soo jeeda gobalka Awdal oo digniin ka soo saaray damaca Itoobiya

Next Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta oo kormeerray xarunta Wasaaradda Deegaanka

Next Post
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta oo kormeerray xarunta Wasaaradda Deegaanka

Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta oo kormeerray xarunta Wasaaradda Deegaanka

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In