Thursday, April 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jeneraal Gacma-duule “Qofkii soo dilo xubin Khawaarijta ka tirsan labo kun oo dollar ayuu leeyahay”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Jeneraal Gacma-duule “Qofkii soo dilo xubin Khawaarijta ka tirsan labo kun oo dollar ayuu leeyahay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jeneraal Cali Caraaye Cosoble ( Gacma-duule) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo uu weheliyo Khaliif Cumar Macallin Nuur ayaa dhiiragelin u sameeyay Ciidamada xoogga, gaar ahaan kuwooda ku sugan degmada Ceeldheere ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo guulo wax ku ool ah ka soo hoyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab.

Ragga geesiyaasha ah ee la abaalmariyay waxaa ka mid ah Cabdi Muxudiin Dhalo-weyne oo ku guuleystay in uu meel 94-km u jirta degmada Ceeldheer ku dilay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta, wuxuuna helay abaalmarin lacageed oo ka timid Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Fareey, (lacagta ayaa gaareysa toddobo kun iyo shan boqol oo dollar).

Related posts

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

April 23, 2026
Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

April 23, 2026

‘’Waxaa la abaalmariyay nin la yiraahdo Cabdi Muxudiin Dhalo-weyn oo aad la socotaan in 48-saacadood ka hor meel degmada Ceeldheer u jirta 94-km inuu ku dilay dhagar-qabe ummaddan dhibaato ku hayay, sidaas darteedna ummadda Soomaaliyeed oo dhan u duceysay, laga bilaabo saacaddan hadda aan hadleyno Insh Allah, nin kasta oo fuliyana waajibaad dagaal guulna ka keenna cadowga Al-shabaab sida Dhallo-weyne oo kale, wuxuu leeyahay ninkii madax Al-shabaab keenna 2-kun oo dollar, ‘’ ayuu yiri Jeneraal Gacma Duule.

Sidoo kale, Generaalka Gacma-duule ayaa sheegay in si loo dhiirageliyo Dhalo-weyn, taliyaha ciidamada xoogga dalka uu amar ku bixiyay in saacaddan laga bilaabo uu ka tirsan yahay ciidamada xoogga dalka, taas oo horseedeysa in geesiyaal badan ay ku dhiiradaan in ay dilaan horjoogayaasha Khawaarijta.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka iyo guud ahaan madaxda Dowladda Federaalka ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga dadweynaha ee dagaalka kula jira Khawaarijta in ay sii laba jibaraan howlgallada lagu ciribtirayo  Khawaarijta, islamarkaana askarigii ama shaqsigii soo dila horjooge Al-shabaab la siin doono abaalmarin lacageed uu ku farxo.

Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaannada Galmudug ayaa laga gaaray guulo, waxaana laga sifeeyay arxan-laawayaasha dhul ballaaran oo muddo 15-sanno ka badan shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateynayeen, kuwaas oo aan helin adeegyadii asaasiga ah ee ay u baahnaayeen

Previous Post

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka soo jeeda gobalka Awdal oo digniin ka soo saaray damaca Itoobiya

Next Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta oo kormeerray xarunta Wasaaradda Deegaanka

Next Post
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta oo kormeerray xarunta Wasaaradda Deegaanka

Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta oo kormeerray xarunta Wasaaradda Deegaanka

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

April 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel...

Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

April 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha ayaa Arbacadii si rasmi ah u daah furay Xarunta Cilmi baarista iyo...

Safiir Maxamed Amiin iyo Guddoomiyaha Culimada Muslimiinta oo kulan muhiim ah ku yeeshay Sacuudiga

Safiir Maxamed Amiin iyo Guddoomiyaha Culimada Muslimiinta oo kulan muhiim ah ku yeeshay Sacuudiga

April 23, 2026
0

Safiirka dawlada Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Mohamed Amin Sheikh Osman ayaa Maanta kulan mira dhal ah...

Wasiirka cadaaladda oo tababar u soo xiray hawlwadeeno ka tirsan Wasaaradda

Wasiirka cadaaladda oo tababar u soo xiray hawlwadeeno ka tirsan Wasaaradda

April 23, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta soo xiray tababar socday muddo afar maalmood...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In