Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jimciyadda ASAL oo siminaar lagu baranayo Wadaniyadda u qabatay Arday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Jimciyadda ASAL oo siminaar lagu baranayo Wadaniyadda u qabatay Arday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siminaarkan oo socday muddo 9 cisho ah, islamarkaana lagu baranayay wadaniyadda oo ay soo qaban qaabisay Jimciyadda ASAL, ayna ka faa’iideysteen in ka badan 5-boqol arday oo ka qalin badalaeysa dugsiyada sare ee dalka ayaa maanta lagu qabtay xarunta Jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Afhayeenka Jimciyadda ASAL Axmed Shire Ciise oo ka hadlay siminaarka ayaa sheegay in Jimciyadda ay u taagantahay isku xirka ardayda ku hadashay afka hooyo, waxaana uu intaa ku daray in ay sii wadayaan siminaarada kuwan oo kale ee lagu kobcinayo aqoonta ardayda Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

“Jimciyadda ASAL waa isku xiraha ardayda ku hadashada Afka hooyo, tan kale siminaarkan waxa ay ila tahay in ardaydu ay wax badan ka faa’iideysteen, maadaama uu xambaarsanyahay macluumaad aa u weyn oo dhanka Wadaniyadda ah, waxaan rajeynaynaa in aan joogteyno siminaarada nuucaani oo kale ah” ayuu yiri Afhayeenka ASAL.

Dr Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Maxamed Badawi oo bixinayay casharada siminaarka lagu baranayay Wadaniyadda ayaa sheegay in siminaarkan uu ahmiyad gaar ah ugu fadhiyo bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ah qadiyad loo baahanyahay in la baro ardayda Soomaaliyeed muhiimadda ay u leedahay wadaniyadda.

“Qofka Wadaniyadda ah waxaa la rabaa in uu jeclaado dalkiisa oo uu ka shaqeeyo horumarka, dib u dhiska iyo ka ilaalinta waxkasta oo dalka wax u dhimaya, sidoo kale qofka waxaa laga rabaa in uu bixiyo canshuurta, si uu u helo adeegyada aas aasiga u ah bulshada” ayuu Dr Badawi hadalkiisa ku daray.

Qaar ka mid ah ardaydii ka faa’iideysanasay siminaarka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin ka qeb galka siminaarka, isla markaana ay ka faa’iideeyn wax badan oo ku saabsan wadaniyadda.

Jimciyadda ASAl oo ah jimcad u taagan sidii ay ardayda ka qalinjebineysa dugsiyada sare ugu samen lahaayen siminaaro kor loogu qaadayo aqoontooda ayaa horey sidaan oo kale siminaarro u qabatay arday siminaaro ka hadlaya hogaanka wanaagsan, iyadoo siminaarkii maanta uu ka duwanaa kuwii ay horey u qaban jireen.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Kaalinta Bulshada ee xoojinta Ammaanka Dhageyso

Next Post
Kaalinta Bulshada ee xoojinta Ammaanka  Dhageyso

Kaalinta Bulshada ee xoojinta Ammaanka Dhageyso

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In