Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

John Kerry: Soomaaliya Waxa Ay Samaysay Horumar Aan La Qiyaasi Karin

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
John Kerry: Soomaaliya Waxa Ay Samaysay Horumar Aan La Qiyaasi Karin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Bariga Afrika iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa maanta ku kulmay magaallada Nairobi ee dalka Kenya. Shirka ayaa looga hadlay xaaladda gobolka gaar ahaan xaaladda ka taagan Suudanta Koofureed iyo houmarka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa la wadaagay wasiirrada, horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameeyay arrimaha ammaanka, dowlad-wanaagga, dimoqraadiyadda iyo dhaqaalaha. Dowladda Mareykanka ayaa uu uga mahad celiyay taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, taakuleynta AMISOM iyo tababarka ciidanka XDS.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Horumar ayaa ay samaynaysaa Soomaaliya oo kaashanaysa saaxibbadeeda caalamka, doorashooyin bulshadu u dhan tahay ayaa ka dhacaya dalkeena sanadkaan. Taageerada Mareykanka ahmiyad ayay u leedahay Soomaaliya” ayuu yiri wasiir Hadliye.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in dalalka Bariga Afrika ay u baahan yihiin in ay xal u helaan dhibaatada argagixisadu ay ka waddo gobolka, isaga oo bogaadiyay horumarka Soomaaliya.

“Kulamadeenu waxa ay ahaayeen kuwo mira dhal ah oo looga hadlay mustaqbalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koofureed. Bariga Afrika, waxa aan wali wajahaynaa dhibaatada xajirnimada rabshada wadata” ayuu yiri Kerry.

“Doodeenii maanta waxa aan diiradda ku saarnay saddex hadaf. Tan koowaad waa in la joogteeyo taageerada la siinayo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda si ay u difaacdo muwaadiniinteda, u xoojiso hay’adaheeda iyo si ay ula timaado hannaan doorasho oo cad.

Tan labaad waa in aan hubinno in AMISOM ay hesho taageerada ay u baahan tahay si ayada oo kaashanaysa dowladda Soomaaliya ay si dhab ah oo joogto ah ula diriraan Al-Shabaab. Waxaan doonaynaa in aan hubinno in marka argagixisada laga saaro goob aysan dib ugu soo laaban. Tan saddexaadna waa heer goboleed, waa in aan xoojinnaa dadaalladeena ku aaddan nabadeynta xuduudaha, in aan wadaagno macluumaadka ku saabsan halista argagixisada, in aan tababarno sarakiil ammaan oo xirfad leh iyo ka hor-tagga aragtida xagjirnimada.

Ii ogolaada in aan caddeeyo, Waxa aan ka sameynay Soomaaliya horumar aan la qiyaasi Karin.

Dalalka gobolku waxa ay isku howleen la dagaallanka Al-Shabaab oo ay horumar ka sameeyeen. Al-Shabaab dib ayaa loo jabinayaa, sidoo kale dhaqaalaha Soomaaliya waa uu korayaa, Dowladduna waxa ay heleysaa awood. Laakin waxa aan u baahan nahay in aan samayno intaas ka badan, waana fahansan nahay arrintaas”.

Kerry, waxa uu ammaanay horumarka ay sameysay dowladda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka iyo dowladnimada. Waxa uu sheegay in Mareykanku uu taageerayo dowladda iyo shacabka.

Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya, Kenya, Suudaanta Koofureed, Uganda iyo Suudaan ayaa manta magaallada Nairobi kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry.

kerry-wasir114060166_1018914731539223_804397258_o

Previous Post

Will Soomaali ah oo lagu dilay Sweden-Sawirro

Next Post

Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee marxuum S/Guud Samantar oo shir ku yeeshay Muqdisho

Next Post
Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee marxuum S/Guud Samantar oo shir ku yeeshay  Muqdisho

Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee marxuum S/Guud Samantar oo shir ku yeeshay Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In