Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jubbaland oo iclaamiysay in banaan-baxyo Roob-doon laga dhigo Kismaayo

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Jubbaland oo iclaamiysay in banaan-baxyo Roob-doon laga dhigo Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda cadaaladda, awqaafta iyo arrimaha diinta ee maamulka Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar ayaa maanta magaalada Kismaayo uga dhawaaqay dibad-baxyo roob-doon ah, xilli abaaro daran laga soo werinayo deegaano badan oo ka tirsan Jubbaland.

Wasiir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay iclaamiyey in Isniin berri ay banaanbaxyadaas ka bilaawdaan magaalada Kismaayo ee caasimadda maamulka Jubbaland.

Related posts

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026

Wasiirka ayaa bulshada reer Kismaayo ugu baaqay in ay isku soo baxaan oo si wanaagsan uga qayb qaataan roob doonta beri ka bilaabaneysa magalaada, isagoo xusay in loo baahan in Alle la waydiisto in uu bulshada ka dul qaado abaarta iyo roob la’aanta soo wajahday.

Roob doontaan uu iclaamiyey wasiirka Cadaaladda, awqaafta iyo arrimaha diinta maamulka Jubbaland ayaa ku soo beegmaya xili ay abaarta jirta darteed xoolo badan ay ku le’anayaan gobollada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Previous Post

Warka Duhurnimo

Next Post

Maxuu R/Wasaare Rooble kala hadlay James Swan?

Next Post
Maxuu R/Wasaare Rooble kala hadlay James Swan?

Maxuu R/Wasaare Rooble kala hadlay James Swan?

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In