Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Juventus oo Badisay iyo Inter Milan oo Laga Badiyay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Ciyaaraha
0
Juventus oo Badisay iyo Inter Milan oo Laga Badiyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Juventus oo hogaamineysa horyaalka talyaaniga ayaa galabta garoonkeeda Juventus Stadium 2-0 uga badisay kooxda ChievoVerona.

Kooxda Juventus ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta dhalisay labada gool,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Paul Pogba iyo Stephan Lichtsteiner.
Pogba goolcele

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Paul cele

Pog cele
Kooxda Juventus ayaa hada sideed dhibcood ka sareysa kooxda Roma oo kaalinta labaad ku jirto,waxana ay leedahay 49-dhibcood,halka kooxda ChievoVerona ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Roma oo kaalinta labaad horyaalka uga jirto ayaa caawo la ciyaareyso kooxda Fiorentina.

Kooxda Sampdoria ayaa garoonkeeda Luigi Ferraris barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Palermo.

Ciyaaryahan Samuel Eto’o oo 33-jir ah shalayna ku soo biiray kooxda Sampdoria ayaa daawanayay ciyaarta.

Kooxda Sampdoria ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii lixaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Citadin Martins Eder,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Franco Vazquez ayaa bilowgii qeybtii danbe ee ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda Palermo.

Garsoorihii ciyaarta Angelo Cervellera ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta kooxda Palermo kaarka casaanka ah ka siiyay ciyaaryahaan Andrea Fulignati.

Kooxda Sampdoria ayaa kaalinta afaraad uga jirto horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 34-dhibcood,halka kooxda Palermo ay horyaalka uga jirto kaalinta sideedaad,iyadoo leh 27-dhibcood.

Kooxda Inter Milan ayaa waxaa garoonkeeda San Siro 0-1 uga badiyay kooxda Torino.

Labada kooxood ayaa is-mari waayay ilaa dhamaadkii ciyaarta.

Ciyaaryahan Emiliano Moretti ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Torino.
sad

Kooxda Inter Milan ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta sagaalaad,waxana ay leedahay 26-dhibcood,halka kooxda Torino ay horyaalka uga jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 25-dhibcood.

Previous Post

Madaxweynaha Dalka Turkiga iyo wafdigii uu hogaaminayay oo ka dhoofay garoonka Aadan Cadde

Next Post

Kooxaha Arsenal,Aston Villa Iyo West Ham oo uu Soo Baxay Wareega Shanaad ee Koobka FA Cup-ka “SAWIRRO”

Next Post
Kooxaha Arsenal,Aston Villa Iyo West Ham oo uu Soo Baxay Wareega Shanaad ee Koobka FA Cup-ka “SAWIRRO”

Kooxaha Arsenal,Aston Villa Iyo West Ham oo uu Soo Baxay Wareega Shanaad ee Koobka FA Cup-ka “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In