Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Juventus oo Badisay iyo Inter Milan oo Laga Badiyay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Ciyaaraha
0
Juventus oo Badisay iyo Inter Milan oo Laga Badiyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Juventus oo hogaamineysa horyaalka talyaaniga ayaa galabta garoonkeeda Juventus Stadium 2-0 uga badisay kooxda ChievoVerona.

Kooxda Juventus ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta dhalisay labada gool,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Paul Pogba iyo Stephan Lichtsteiner.
Pogba goolcele

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Paul cele

Pog cele
Kooxda Juventus ayaa hada sideed dhibcood ka sareysa kooxda Roma oo kaalinta labaad ku jirto,waxana ay leedahay 49-dhibcood,halka kooxda ChievoVerona ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Roma oo kaalinta labaad horyaalka uga jirto ayaa caawo la ciyaareyso kooxda Fiorentina.

Kooxda Sampdoria ayaa garoonkeeda Luigi Ferraris barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Palermo.

Ciyaaryahan Samuel Eto’o oo 33-jir ah shalayna ku soo biiray kooxda Sampdoria ayaa daawanayay ciyaarta.

Kooxda Sampdoria ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii lixaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Citadin Martins Eder,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Franco Vazquez ayaa bilowgii qeybtii danbe ee ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda Palermo.

Garsoorihii ciyaarta Angelo Cervellera ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta kooxda Palermo kaarka casaanka ah ka siiyay ciyaaryahaan Andrea Fulignati.

Kooxda Sampdoria ayaa kaalinta afaraad uga jirto horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 34-dhibcood,halka kooxda Palermo ay horyaalka uga jirto kaalinta sideedaad,iyadoo leh 27-dhibcood.

Kooxda Inter Milan ayaa waxaa garoonkeeda San Siro 0-1 uga badiyay kooxda Torino.

Labada kooxood ayaa is-mari waayay ilaa dhamaadkii ciyaarta.

Ciyaaryahan Emiliano Moretti ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Torino.
sad

Kooxda Inter Milan ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta sagaalaad,waxana ay leedahay 26-dhibcood,halka kooxda Torino ay horyaalka uga jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 25-dhibcood.

Previous Post

Madaxweynaha Dalka Turkiga iyo wafdigii uu hogaaminayay oo ka dhoofay garoonka Aadan Cadde

Next Post

Kooxaha Arsenal,Aston Villa Iyo West Ham oo uu Soo Baxay Wareega Shanaad ee Koobka FA Cup-ka “SAWIRRO”

Next Post
Kooxaha Arsenal,Aston Villa Iyo West Ham oo uu Soo Baxay Wareega Shanaad ee Koobka FA Cup-ka “SAWIRRO”

Kooxaha Arsenal,Aston Villa Iyo West Ham oo uu Soo Baxay Wareega Shanaad ee Koobka FA Cup-ka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In