Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Juventus Oo Bareejo Lagu Celiyay iyo Roma oo Badisay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Ciyaaraha
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Juventus ayaa garoonkeeda Juventus Stadium galabta barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Sampdoria.

Kooxda Juventus ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Patrice Evra,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Evra goolevra celee

Ciyaaryahan Manolo Gabbiadini ayaa bilowgii qeybtii danbe ee ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda Sampdoria.

Manolo goolceleesad

Kooxda Juventus ayaa bareejo gashay kulankii labaad oo xiriir ah oo ka tirsan horyaalka talyaaniga.

Kooxda Juventus ayaa horyaalka talyaaniga ku hogaamineyso 36-dhibcood,halka kooxda Sampdoria ay horyaalka uga jirto kaalinta afaraad,iyadoo leh 24-dhibcood.

Dhinaca kale kooxda Roma ayaa hal dhibic u soo jirsatay kooxda Juventus,ka dib markii ay 1-0 uga badisay kooxda Genoa.

Kooxda Genoa oo lagu ciyaarayay garoonkeeda Stadio Luigi Ferraris ayaa waxaa qeybtii hore ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay gool haye Matia Perin.

Kooxda Roma ayaa rigooradii ay heshay oo uu u laaday ciyaaryahan Adem Ljajic waxaa ka badbaadiyay gool haye Eugenio Lamanna oo bedel ku soo galay ciyaarta.

Ciyaaryahan Radja Nainggolan ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Roma.

Kooxda Roma ayaa Kaalinta Labaad uga jirto horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 35-dhibcood,halka kooxda Genoa ay horyaalka uga jirto kaalinta shanaad,iyadoo leh 26-dhibcood.

Kooxda Udinese ayaa waxaa garoonkeeda Stadio Friuli 1-2 uga badiyay kooxda Hellas Verona.

Kooxda Udinese ayaa goolka la hor martay,waxana daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Antonio Di Natale.

Ciyaaryahan Luca Toni ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda Hellas Verona.

Ciyaaryahan Lazaros Christodoulopoulos ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka labaad ee guusha u dhaliyay kooxda Hellas Verona.

Kooxda Udinese ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta sagaalaad,waxana ay leedahay 21-dhibcood,halka kooxda Hellas Verona ay horyaalka uga jirto kaalinta 13-aad,iyadoo leh 17-dhibcood.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir Dhuxulow “Hay’adaha Gar-gaarka Caalamka waa inay Soomaaliya mudnaan weyn siiyaan” SAWIRRO

Next Post

Wasiir Dhuxulow “Hay’adaha Gar-gaarka Caalamka waa inay Soomaaliya mudnaan weyn siiyaan” SAWIRRO

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In