Wednesday, July 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Ka hortagga Coronavirus waa tallaabo horay loo qaaday

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Ka hortagga Coronavirus waa tallaabo horay loo qaaday

A medical staff member takes the temperature of a man at the Wuhan Red Cross Hospital in China on Jan. 25. HECTOR RETAMAL/AFP via Getty Images

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa wax lagu farxo ah in Wasaaraddeenna Caafimaadka u jihaysato ka hortagga Viraska loo caalwaayay ee dunida faraha ba’an ku haya.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tallaabsatay tallaabo ay shacabkeeda ka filayeen taasoo ah koontoroolka irdaha laga soo galo dalka, si loo baaro dadka soo galaya dalka in ay sidaan cudurka iyo in kale.

Related posts

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026

Cudurkan oo in mudda ahba ka taagnaa dal weynaha Shiinaha ayaa si xowli ah ugu faafaya dunida inteeda kale, waxaana cabsi xoog leh laga qabaa in uu u tillaabo Qaaradaha kala duwan gaar ahaanna Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu amaanaa in ay ka hormariso danteeda danda guud ee shacabka, iyadoo la ogaa muddadii yareyd ee ay Dalka hoggaamineysay mashaariicda isdaba joogga ah ay dalka ka fulisay.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa looga fadhiyaa in ay dib usoo celiso dhammaan Isbitaalladii shacabka loogu adeegi jiray iyo MCH-yadii, waxaa kaloo la doonayaa in isbitaalladaasi ay noqdaan kuwo lacag la’aan ah si ay uga faa’iideystaan dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka faraha badan ee maanta la iska qaado.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka waa inay si fiican u fiirisaa Meelaha aan caafimaadkooda sugneyn kana warbixisaa si joogta ah wacyigelin idaacadaha la iskala hadlo ee dalku leeyahay.

Waa inay jiraan Barnaamijyo quseeya caafimaadka oo ay soo diyaariso Wasaaradda Caafimaadka si ay shacabku u helaan ka warqabka waxa kad dhacaya dunida aynu joogno..

Gobollada iyo degmooyinka waxaa jira meel aanay gaarin Wasaaradda Caafimaadka waxaana loo baahan yahay in ay siiso wasaaradaha kale ee hoos yimada wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka dhammaan wixiitashiilaad ah ee loo baahan yahay si ay u daryeelaan caafimaadka bulhsada soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolladooda.

Sidoo kale, wasaaradda waxaa looga baahan yahay in kormeer joogta ah ku sameeyaan meelaha laysugu yimaado ee dadku ku kulmaan, gaar ahaan hay’adaha dowladda iyadoo mar waliba baaritaan caafimaad lagu sameynayo shaqaalaha iyo Ardayda , qaasatan xeryaha Barakacayaasha.

Waxaa kale oo looga baahan yahay inay hubiso dhammaan dawooyinka dalka la keenayo tayadooda iyo taariikhda ay soo baxeenba si aan bukaannada loo siin dawooyin aan munaasab ahayn ama dhacay kuwaasoo qudhoodu cudurro hor leh abuuri kara, si taa loo xaqiijiyona waa in loo kuur galaa shixnadda daawooyinka ee maalin walba dekadaha laga soo dajinayo iyo keydka daawada ee isbitaallada iyo farmashiiyaha taalla.

Sidoo kale, Aqoonta iyo qibradda dhaqaatiirtana kor loo qaado si aanay bukaannadu u dayacmin adeegyo sax ah iyo daryeel caafimaad oo dhamaystiran u helaan.

Waa hubaal in Wasaaraddu ay muujisay dadaal aad u wanaagsan muddadii ay jirtay dowladda Nabad iyo Nolol waxaana si weyn u amaanayaa Wasiirad Fowsiyo oo muujisay dadaal aan halkaan lagu soo koobi Karin.

Waxaana waxyaabaha Wasiirad fowsiyo lagu xasuusan doono ka mid hirgalinta hannaan Caafimaad oo loo dhan yahay iyo wada shaqeynta Wasaaradeeda iyo Wasaaradaha Caafimaadka dowlad gobolleedyada oo ay aad u wanaajisay taasoo sahlaysa in qorsha walboo caafimaad sida ka hortagga cudurrada faafa si siman oo wadajir ah loo wajaho.

W/Q: Oman Dhiblaawe.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo maamulka Isbitaalka Yardimeli ka dalbatay inay la yimaaddaan sharciga ay ku shaqeeyaan

Next Post

Dowladda oo guddi u saartay ka hortagga cudurka Coronavirus

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

Dowladda oo guddi u saartay ka hortagga cudurka Coronavirus

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

June 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku...

Taliyaha Hay’adda NISA oo Balanballe ka dhagax dhigay saldhig cusub oo Hay’adda ah

Taliyaha Hay’adda NISA oo Balanballe ka dhagax dhigay saldhig cusub oo Hay’adda ah

June 30, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In