Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Ka hortagga Coronavirus waa tallaabo horay loo qaaday

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 5, 2020
in Maqaallo, Wararka
0
Ka hortagga Coronavirus waa tallaabo horay loo qaaday

A medical staff member takes the temperature of a man at the Wuhan Red Cross Hospital in China on Jan. 25. HECTOR RETAMAL/AFP via Getty Images

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa wax lagu farxo ah in Wasaaraddeenna Caafimaadka u jihaysato ka hortagga Viraska loo caalwaayay ee dunida faraha ba’an ku haya.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tallaabsatay tallaabo ay shacabkeeda ka filayeen taasoo ah koontoroolka irdaha laga soo galo dalka, si loo baaro dadka soo galaya dalka in ay sidaan cudurka iyo in kale.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Cudurkan oo in mudda ahba ka taagnaa dal weynaha Shiinaha ayaa si xowli ah ugu faafaya dunida inteeda kale, waxaana cabsi xoog leh laga qabaa in uu u tillaabo Qaaradaha kala duwan gaar ahaanna Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu amaanaa in ay ka hormariso danteeda danda guud ee shacabka, iyadoo la ogaa muddadii yareyd ee ay Dalka hoggaamineysay mashaariicda isdaba joogga ah ay dalka ka fulisay.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa looga fadhiyaa in ay dib usoo celiso dhammaan Isbitaalladii shacabka loogu adeegi jiray iyo MCH-yadii, waxaa kaloo la doonayaa in isbitaalladaasi ay noqdaan kuwo lacag la’aan ah si ay uga faa’iideystaan dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka faraha badan ee maanta la iska qaado.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka waa inay si fiican u fiirisaa Meelaha aan caafimaadkooda sugneyn kana warbixisaa si joogta ah wacyigelin idaacadaha la iskala hadlo ee dalku leeyahay.

Waa inay jiraan Barnaamijyo quseeya caafimaadka oo ay soo diyaariso Wasaaradda Caafimaadka si ay shacabku u helaan ka warqabka waxa kad dhacaya dunida aynu joogno..

Gobollada iyo degmooyinka waxaa jira meel aanay gaarin Wasaaradda Caafimaadka waxaana loo baahan yahay in ay siiso wasaaradaha kale ee hoos yimada wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka dhammaan wixiitashiilaad ah ee loo baahan yahay si ay u daryeelaan caafimaadka bulhsada soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolladooda.

Sidoo kale, wasaaradda waxaa looga baahan yahay in kormeer joogta ah ku sameeyaan meelaha laysugu yimaado ee dadku ku kulmaan, gaar ahaan hay’adaha dowladda iyadoo mar waliba baaritaan caafimaad lagu sameynayo shaqaalaha iyo Ardayda , qaasatan xeryaha Barakacayaasha.

Waxaa kale oo looga baahan yahay inay hubiso dhammaan dawooyinka dalka la keenayo tayadooda iyo taariikhda ay soo baxeenba si aan bukaannada loo siin dawooyin aan munaasab ahayn ama dhacay kuwaasoo qudhoodu cudurro hor leh abuuri kara, si taa loo xaqiijiyona waa in loo kuur galaa shixnadda daawooyinka ee maalin walba dekadaha laga soo dajinayo iyo keydka daawada ee isbitaallada iyo farmashiiyaha taalla.

Sidoo kale, Aqoonta iyo qibradda dhaqaatiirtana kor loo qaado si aanay bukaannadu u dayacmin adeegyo sax ah iyo daryeel caafimaad oo dhamaystiran u helaan.

Waa hubaal in Wasaaraddu ay muujisay dadaal aad u wanaagsan muddadii ay jirtay dowladda Nabad iyo Nolol waxaana si weyn u amaanayaa Wasiirad Fowsiyo oo muujisay dadaal aan halkaan lagu soo koobi Karin.

Waxaana waxyaabaha Wasiirad fowsiyo lagu xasuusan doono ka mid hirgalinta hannaan Caafimaad oo loo dhan yahay iyo wada shaqeynta Wasaaradeeda iyo Wasaaradaha Caafimaadka dowlad gobolleedyada oo ay aad u wanaajisay taasoo sahlaysa in qorsha walboo caafimaad sida ka hortagga cudurrada faafa si siman oo wadajir ah loo wajaho.

W/Q: Oman Dhiblaawe.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo maamulka Isbitaalka Yardimeli ka dalbatay inay la yimaaddaan sharciga ay ku shaqeeyaan

Next Post

Dowladda oo guddi u saartay ka hortagga cudurka Coronavirus

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

Dowladda oo guddi u saartay ka hortagga cudurka Coronavirus

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In