Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ganacsatada Magaalada Johannesburg Oo Heshiis Gaaray “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ganacsatada Magaalada Johannesburg Oo Heshiis Gaaray “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga Hadlayay Ka Ganacsiga Alaabaha Sharci Darada ah islamarkaana ay ka qeybgaleen ganacsatada Ajaanibta Iyo Kuwa South africaanka ah ayaa Lagu qabtay Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Africa

Shirkani oo ahaa mid ay soo qaban qaabisay Hey’ada la dagaalanta ka ganacsiga alaabaha sharciyeysan ee been abuurka ah oo magaceeda loo soo gaabiyo “CFC” islamarkaana ay ka soo qeyb galeen ururada ganacsiga dadka ajaanibta ah ay ku leeyihiin gobolka Gueteng ee Dalka koonfur Africa ayaa waxaa lagu qabtay xafiiska Soomaali Community Board ee South Africa .

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Ururada shirkani soo xaadiray waxaa ka mid ahaa Waaxda Canshuuraha South africa ,midowga ganacsatada yar yar iyo dukaanleyda South Africaanka ah,hey’adda horumarinta ganacsiga magaalooyinka iyo waliba jaaliyada Soomaalida South Africa iyo ganacsatada kale ee ajaanibta ah waxaana inta uu kulanka socday si weyn loogu lafa guray qaabka looga hor tagi karo la isagana kaashan karo sidii loo joojin lahaa ka ganacsiga alaabaha sharci darada  ee been abuurka ah.

Guud ahaan qeybaha kale duwan ee shirka ka qeybgalay ayaa wada saxiixay heshiis ah in guud ahaan dukaamada ganacsiga laga joojiyo in lagu iibiyo alaabaha ganacsi ahaan loo keeno dalka koonfur Africa kuwaa oo si been abuur ah loo soo sameeyay.

Abdirisaaq Maxamed Geedi oo ka tirsan jaaliyada Soomaalida Community Board ee South Africa ayaa sharaxaya Qaabka Loo Wada Gaarsiiin Karo sharcigaan Guud ahaan Goobaha Ganacsiga Gaar ahaana kuwa Soomaalida.

“Sida aad u Jeedaan warqadaan waxaa Daba Socda Warqado yaryar oo loo geynayo goobaha ganacsiga  ay saxiixayaan kadibna waxaa loo sheegi doonaa waxa daba socda hadii qofka uu ka ganacsado alaabahaas oo kale wax uu la kulmi doono talabaada laga qaadan doono”

Waxaa sido kale ka mid ahaa Xubnahii Saxiixay Hishiiskaan hogaamiyaha midowga ganacsatada iyo Dukaanleyda Koonfur Africa haweeneyda Lagu magacaabo  Rose Nkosi ayaa sheegtay in markii hore ay cabashooyin badan ka qabeen dadka ajaanibta ah ee iibiya alaabaha ganacsiga ee sharci darada ah lakiin hada ay ku faraxsan tahay in ay saxiixayaan heshiiskaan islamarkaana ay wada shaqeyn la sameyn doonaan hada waxii ka dambeeya.

Jaaliyada Soomaalida iyo ganacsatada kale ee ajaanibta ah ayaa looga fadhiyaa in ay meel mariyan sharcigaan islamarkaana ay gaarsiiyaan guud ahaan ganacsatada ku nool deegaanada  iyo tuulooyinka dalka koofur Africa.

11999991_935976299820113_2141319519_n IMG_0561 IMG_0562 IMG_0563 IMG_0564 IMG_0565 IMG_0566

Sawir Qaade:C/laahi Maxamuud Amiin”C/laahi Qorshe, Johannesburg Koofur africa

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Dalka Oo Kulamo Afgooye Kula Leh Qeybaha Bulshada Iyo Saraakiisha Ciidama

Next Post

Dhismaha Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Xarigga Laga Jiray+Sawirro

Next Post
Dhismaha Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Xarigga Laga Jiray+Sawirro

Dhismaha Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Xarigga Laga Jiray+Sawirro

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In