Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ka qeybgalka haweenka Soomaaliya ee siyaasadda dalka-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ka qeybgalka haweenka Soomaaliya ee siyaasadda dalka-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin kala duwan oo lagu qabtay Hotel Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlayay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan siyaasadda  iyo hogaaminta dalka. kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay hey’adda SOYDEN oo kaashanaysa hey’adda UN-WOMEN.

Kulanka ayaa waxaa  dadkii ka qeybgalay kamid ahaa culimada diinta, ururka haweenka qaranka, kan gobolka Banaadir, dadka naafada ah, ganacsato iyo safiir sharafeedka haweenka Soomaaliyeed u qaabilsan xaqiijinta koontada haweenka ay ku leeyihiin hogaanka siyaasadda dalka.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Intii kulanka uu socda ayaa waxaa laga dooday qodobo kala duwan oo muhiim u ahaa mowduucan laga hadlayay oo ay kamid aheyd tirada haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan baarlamaanka soo socda iyo sida arintaas lagu gaari karo.

Mas’uuliyiintii kulanka ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Xasan Axmed Sadiiq iyo Baarliin Maxamed Cadaani oo ka socday gudiga dowladda Soomaaliya u xil saartay xaqiijinta koontada haweenka ee siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka waxaa ka hadlay qaar kamid ah haweenkii ka qeybgalay waxayna sheegeen ahmiyadda ay haweenka u leedahay ka qeybgalka hogaanka siyaasadda dalka.

Gunaanadkii kulanka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo lagu xoojinayo go’aanadii horey looga soo saaray ka qeybgalka siyaasadda ee haweenka Soomaaliyeed.

IMG_2861 IMG_2862 IMG_2863 IMG_2866 IMG_2867 IMG_2889 IMG_2890 IMG_2943 IMG_2951

 

 

 

Previous Post

Masar oo saanad ciidan ku wareejisay Soomaaliya-Sawirro

Next Post

AMISOM oo sheegtay in la baarayo odayaashii lagu laayay Wardiinle

Next Post

AMISOM oo sheegtay in la baarayo odayaashii lagu laayay Wardiinle

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In