Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ka wada shaqeynta dib u heshiisiinta bulshada Gobollada dhexe oo laga shiray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ka wada shaqeynta dib u heshiisiinta bulshada Gobollada dhexe oo laga shiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayey sidii loo xoojin lahaa dib u heshiisiin bulshada ku dhaqan Gobalada Mudug iyo Galgaduud oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin, waxgarad, qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho si loogu guulaysto dhismaha maamulkaasi.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradkii kulanka ka qeyb galay oo hadalo kala duwan goobta ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay shirka looga hadlay sidii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa shacabka ku nool gobollada dhexe ee dalka, iyagoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo dhismaha maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Xasan Maxamed Nuur oo ka mid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynenimo ee gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa ku baaqay in dib u heshiisiin la sameeyo, isla markaana ay u midoobaan sameynta maamul loo dhanyahay.

Danjirihii hore ee Soomaaliya ee Koonfurta Sudan ahna Musharax u taagan xilka Madaxtinimo ee gobollada Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Diinaari ayaa sheegay in xilligan loo baahanyahay sidii shacabka u istaagi lahaayeen ka shaqeynta horumarinta adeegyada aas aasiga u ah bulshada, waxaana uu intaa ku daray in shacabka la gaarsiiyo go’aanada shirka ka soo baxay.

“Waxaan isku afgaranay in aan dhamaanteen u istaagno ka shaqeynta dib u heshiisiinta, dhismaha maamul loo dhanyahay iyo horumarinta adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada” ayuu Cabdiraxmaan Diinaari hadalkiisa ku daray.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmahan ka socday shirar looga hadlayay dhismaha Maamulka Gobolada dhexe ee dalka.

vlcsnap-2015-01-06-14h14m47s65 vlcsnap-2015-01-06-14h15m12s43 vlcsnap-2015-01-06-14h15m24s175 vlcsnap-2015-01-06-14h15m32s3 vlcsnap-2015-01-06-14h15m39s65 vlcsnap-2015-01-06-14h16m00s10 vlcsnap-2015-01-06-14h16m29s54 vlcsnap-2015-01-06-14h16m39s152

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Xaafad cusub oo dhismayaal casri ah leh oo la hirgelinayo degmada Yaaqshiid “SAWIRRO”

Next Post
Xaafad cusub oo dhismayaal casri ah leh oo la hirgelinayo degmada Yaaqshiid “SAWIRRO”

Xaafad cusub oo dhismayaal casri ah leh oo la hirgelinayo degmada Yaaqshiid "SAWIRRO"

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In