Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Kaalinta Turkiga ee Soomaaliya: Gurmad iyo gargaar dhab ah – SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Maqaallo, Wararka, Xulashada
0
Kaalinta Turkiga ee Soomaaliya: Gurmad iyo gargaar dhab ah – SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Qoray: Yuusuf Sheikh Ciise

Bishii August 19-keedi sanadkii 2011, waxaa magaalada Muqdisho booqasho ku yimid Ra’iisul-wasarihii Turkiga oo ah madaxweynaha iminka Racep Tayyib Erdogan oo ay la socdaan wafdi ballaaran oo ka tirsanaa xukuumadda iyo ganacsato u dhalatay waddankaasi.  Erdogan, wuxuu boqday xeryo ay degganaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla magaalada Muqdisho taas oo caalamka iyo dadka Somaaliyeedba galisay dareen cusub.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Shir jaraa’id oo ay madaxtooyda ku wada qabteen madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayuu ku ballan qaaday mashaariic horumarineed in dowladda Turkigu ay ka fulin doonto magaalada Muqdisho, waxyaabaha uu ballan qaaday waxaa kamid ah in dayactir ay ku sameyn doonaan waddooyinka magaalada qaarkood, ayna dhisi doonaan goobo caafimaad iyo kuwo waxbarasho.

Sidoo kale waxay dowladda Turkigu billowday gargaar bani’aadamnimo oo ay shaqaalaha Turkigu gacantooda ugu qeybinayeen barakacayaashii ay saamysay abaartii dalka ka dhacday 2011-kii. Xerada Barakacayaasha ee Rajo ayay dajiyeen dad badan oo ay wali gacanta ku hayaan.

photo

 

Haddaba ballan qaadyadii Erdogan maxaa ka fulay?

Dowladda Turkigu waxay dhistay waddooyin badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho sida Waddada isku xirta Ex-Kontorool Afgooye ilaa Isbitaalka Laansalooti ee degmada Kaaraan, Waddada isku xirta KM4, Garoonka diyaarada ilaa demada Madiina, waddada 21-ka October ee isku xirta KM4 ilaa Dekadda Muqdisho iyo jid cusub oo u dhaxeeya barakacaaysha Rajo ilaa isgoyska Korontda ee degmada Wadajir kaas oo loogu magac daray ANATOLIA Street.

Sidoo kale waxay dhiseen waddooyin kale oo ay ku jiraan waddada is-raac ee isku xirta Sayirka ilaa Dekada Muqdisho, Waddada u dhaxeysa KM4 ilaa warshadaha ee sii marta Tarabuunka, tan u dhaxeysa isgoyska Banaadir ilaa Tarabuunka ee hor marta isbitaalka Dikfeer iyo waddada isku xirta dekaddii hore ilaa KM0 ama baar FIAT.

10940536_890745714279384_6353150140029692039_n

Caafimaadka.

Dowoadda Turkigu waxay dhistayIsbitaalkii Dikfeer oo ay ka dhigtay mid ka mid ah kuwo ugu casrisan bariga Afrika, ayadoo la filayo in uu xarigga ka jaro madaxweyne Erdogan marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxay Turkidu magaalada ka hirgaliyeen Isbitaalka DEVA oo ay ka howlgalaan dhaqaatiir Turki iyo Soomaali isugu jira, adeegyo caafimaadna u qabta bulshada Soomaliyeed.

Isbitaallo kale oo uu kujiro SHIFO ayay Turkidu ka hirgaliyeen magaalada Muqdisho.

Waxbarashada

Dowladda Turkiga ayaa arday Soomaaliyeed siisay waxbarasho lacag la’aan ah oo ay ugu qaadday dalkeeda, waxayna isugu jiraan heerarka kala duwan ee waxbarasha sida dugsi sare iyo heerarka jaamacadeed ee kala ah Degree, Master iyo PHD.

Dugsigii farsamada ee Buulo-Tikniko ayay dayactir ku sameeyeen, waxaana iminka wax lagu baraa dhallinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood dalka dibaddiisa laga keenay.

Sidoo kale jaamacadaha dalka ku yaalla ayuu Turkigu ugu deeqay qalab waxbarasho iyo waliba waxbarasho sare oo loo qaaday macallimiinta wax ka dhigta jaamacadaha dalka qaarkood.

Horumarinta.

10393849_891306207556668_733877826636044271_n

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkad Turki ah (Favori) ku wareejisay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde, si ay u ballaariso isla markaana u maamusho howlahiisa shaqo. Shirkaddaasi waxay dhistay Terminal cusub oo casri ah, qalabeysan isla markaana dhawaan xarigga laga jari doono.

Sidoo kale Shirkad Turki ah (Al-Beyrakh) ayaa lagu wareejiyay dekadda magaalada Muqdisho, Shirkadaan waxay warbixi ay dhawaan soo saartay ku sheegtay in dhaqaalaha ka soo xarooday dekadda uu sare u kacay muddadii yarayd ee ay maamulayeen.

Heshiiska lala galay shirkaddan waxaa ka mid ah in dekadda Muqdisho ay dhisto oo ay la mid dhigto dekadaha caalamka mustalka dhow.

 Siyaasadda.

Imaanshiyihii Erdogan ee Soomaaliya 2011 iyo safaaraddii ay Turkidu ka furateen Muqdisho, waxay horseedday in caalamku Soomaaliya ku eegaan indho ka duwan sidii hore, waxaana  dalka booqashooyin ku yimid  madax iyo wufuud kala duwan oo heer caalami ah , sida Ban Ki Moon oo ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo labo jeer soo booqday Soomaaliya, Wakiillada 15-ka dal ee xubnaha joogtada ka ah Golaha Ammaanka oo shirkoodii ugu horreeyay ku yeeshay Somalia 24 sano ka dib. Waxaa sidoo kale dalku marti geliyay shirar heer goboleed ah oo uu ugu dambeeyay shirkii wasiirrada arrimaha dibadda dalalka IGAD ee bilowgii sanadkan ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale dowlado badan ayaa safaarad ka furtay Muqdisho.

Dowladda Turiga ayaa qabatay shir caalami ah oo lagu taagerayo Soomailya oo ay ka qeyb galeen in ka badan 50 waddan oo caalamka ah.

Sidoo kale Tukigu wuxuu fidiyay gogol ay ku wada hadlaan Dowladda Soomaliya iyo maamulka Soomaaliland , wadahadalladaas oo ay garwadeen wali ka tahay Turkey.

Dowlada Turkigu waxay  Soomaaliya ka taageertaa miisaaniyad sanadeedkeeda, ayadoo siisa lacago ay u kaashato socodsiinta howlaa dowladda.

Signing-of-Ankara-Comminque

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa mar labaad booqasho ku imaan doona magaalada Muqdisho 4 sano kaddib, dowladda Soomaaliya ayaa u diyaar garowday soo dhaweynta Erdogan iyo wafdigiisa. Socdaalkiisan ayaa ku soo aadaya ayadoo magaalada Muqdisho ay ka muuqdaan calamada Turkiga iyo taageeradii uu siiyay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay u hayaan walaalaha Turkiga abaal aan la illaabi Karin.

Soo Dhowoow mudane Erdogan.

Radio Muqdisho.

Previous Post

IGAD “Al-Shabaab ma awoodaan inay carqaladeeyaan soo dhaweynta Ordogan”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In