Taliyaha Guud ee Militariga Iiraan Maxamed Cali Jacfari ayaa ka hadlay xariirka Dalkiisa iyo Mareykanka, isaga oo sheegay in uu rajo badan ka qabin wada xajood uu dalkiisa la galaya Mareykanka, halka Trump uu muujiyay dareenkiisa ku aadan wada hadalada ay Iiraan dhawaan la galayaan.
Jacfari wuxuu sheegay in Iiraaniyiinta aysan oggolaan doonin in ay saraakiishooda u ogolaadaan in ay la kulmaan oo ay la xaajoodaan waxa uu ugu yeeray “Shaydaanka weyn”, oo uu ula jeeda Madaxweynaha Mareykanka Trump, isaga oo wacad ku maray in aysan ogalaan doonin hanjabaad kasta oo loo soo jeediya, waxuna si aan gabasha laheen usheegay in Tahraan ay diyaar u tahay inaay Caalamka si Nabad galyo ku jirta ula xariirto.
Taliyaha Guud ee Militariga Iiraan Waxa uu intaa ku daray in aay beneeyn donaan rajada Trump ee ku aadan wada xaajoodka Iiraan iyo Mareykanka.
Maraykanka heshiiskii Nukliyeerka waxuu ku bixiyay lacag gareeysa (150) bilyan oo Dollar ” ayuu yiri Trump xili uu ka hor hadlayay shirka taageerayaashisa oo ka dhacay Florida.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa xaqiijiyay in Washington ay doonayso in ay la xaajooto Iiraan iyada oo shardi loga dhigay in Iiraan ay badasho qaar kamid ah siyaasadaheeda u gaarka, taaso ay Washington ku doneysa inaay ku hesho mudnaan diblomaasiyadeed.
Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan Moaxamed Jawaad Dariif ayaa ugu baaqay Maraykanka in ay ixtiraamaan Siyaasada Iiraan iyo waajibaadkooda Caalamiga ah, wuxuna intaas raaciyay Moaxamed Jawaad in hanjabaad, cunaqabateeyn iyo xiriirka oo loo jara Iiraan anay waxba u arkeeyn waqti kasta lakiin, Washington ay tahay in ay isku eedeysa in ay ka gaabisay run ka sheegida heshiiskii Nukliyerka ee horay loo bilaabay.
Madaxa Guddiga Istiraatijiyada Siyaasadda Dibadda ee Iiraan, Kamaal Kharraazi, ayaa sheegay in Trump ay waajib ku tahay in uu Magdhow ka bixiyo heshiiskii Nukliyarka, sidoo kale Xamiid Abu Daalabi oo ah la taliyaha Madaxweynaha Iiraan, ayaa sheegay in Mareykanka uu ku laabanayo heshiisk Nukliyeerka ka hor inta ay san dhicin wax wada xajood ah.