Saturday, June 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Kala sareynta darajooyinka ciidanka – Waa kee Jananka ugu darajada sareeya ciidamada Qaranka?

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
March 4, 2022
in Maqaallo, Wararka, Warka ugu Weyn, Xulashada
0
Kala sareynta darajooyinka ciidanka – Waa kee Jananka ugu darajada sareeya ciidamada Qaranka?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shaqada ciidanku, waxay safka hore uga jirtaa howlaha ugu adag ee bini’aadanku u qabto si maalinle ah, tan ugu muhiimsana waa kala amar qaadashada, oo hadii ay meesha ka baxdo si fudud u sababi karta inuu ciidanku burburo.

Howlaha ciidanka waxaa si joogto ah u haga hadba sarkaalkii loo dhiibo hoggaankiisa, saraakiishuna waxay leeyihiin darajooyin ay ku kala sareeyaan, taas oo ayagana u sahleysa inay is xukumaan oo kala amar qaataan.

Related posts

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025

Hadaba maxaad ka fahamsan tahay halka uu ka bilaawdo hayaanka sarkaal ciidan? Maxay ku kala duwan yihiin darajooyinka ciidanka? Imisa ayey u qeybsamaan saraakiishu? Waa imisa tirada guud ee darajooyinka ciidanka? Meeqa sarkaal ayaa darajada ugu sareysa ka gaartay ciidamada Soomaaliya? Intaas, waxaan kuugu sharaxi doonaa barnaamijkaan ‘Faham.’

Askarigu marka koowaad ee uu ciidanka qorto waxuu noqonayaa Dable, hadii uu la yimaado aqoon, howlgarnimo, anshax iyo amar qaadasho, waxuu maraa marxalado ay u gartaan saraakiisha ka sareysa, taas oo marka dambe uu ku gaaro heerkooda.

Alifle, Laba-alifle ilaa Seddax-alifle ayuu uga gudbayaa qiimeynta koowaad.

Kormeere, Kormeere-labaad illaa Kormeere-seddaxaas, ama si kale hadaan u iraahdo Seddax-Xarigle, waxaa la isku yiraahdaa Isbatoore, markii askarigu uu soo gaaro heerkaan waa sarkaal xigeen.

Intaas waa jaraanjarada uu askarigu u soo maro inuu noqdo sarkaal.

Markii la mahdiyo hanaanka uu askarigu uga soo baxo shaqada inta uu ku jiro marxaladaha u dhaxeeya Dable ilaa Isbatoore, waxaa loo dalacsiiyaa Xidigle, halkaan waxaa uga bilaabaneysa in loogu yeero sarkaal ciidan.

Intaas kadib waxuu uga sii dalacayaa Labo-Xidigle, waxaana ku xigta Seddax-xidigle, markaan sarkaalku waxuu gaaray darajada Dhamme, sidoo kale wixii Dhamme ka hooseeya waa la isku yiraahdaa saraakiisha ‘Darajada Hoose.’

Gaashaanle, Gaashaanle Dhexe iyo Gaashaanle Sare waxaa la isku yiraahdaa saraakiisha Darajada Dhexe, sidoo kale sarkaalkii gaara Gaashaanle Sare, waxaa loogu yeeri karaa ‘Korneyl.’

Saraakiisha Darajada Sare ayaa ka bilaabanaya Sareeye-Guuto, waxaana ku xigta darajada Sareeye-Gaas oo sarkaal dhaafa uu yar-yahay.

Darajada ugu sareysa ee sarkaal Soomaali ah uu gaaro waa Sareeye-Guud, inta taariikhdu xustana ciidamada Soomaaliya laba sarkaal oo kaliya ayaa ka gaartay darajadaas.

Si loo qaato ama sarkaal loogu xiro darajada Sareeye-Guud way adagtahay, quburada aqoonta sare u leh darajo bixinta ciidanka waxay sheegaan, in darajada ugu sareysa ee Sareeye-Guud lasiin karo sarkaal dejiyey kaarto dagaal oo ku guuleystay inuu cadaw ka xoreeyo dhul ka maqnaa dalka, sida gobollada Jamhuuriyadda Soomaaliya uga maqan deriskeeda.

Darajadaan Sareeye-Guud ma gaarin AUN Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo ahaa sarkaal ciidanka, mudo dheerna dalka soo xukumayey, balse waxuu u dalacsiiyey Allaha u naxariistee Sareeye-Guud Maxamed Cali Samatar.

20-kii Agoosto sanadkii 2016-kii ayuu geeriyooday Allaha u naxariistee Maxamed Cali Samatar oo mudo dheer soo ahaa saaxiibka dhow ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Jagooyin ay ugu waaweynaayeen Wasiirkii Difaaca, Madaxweyne ku xigeen, Ra’iisul Wasaare ayuu Soomaaliya beri-samaadkii ka soo noqday Sareeye-Guud Maxamed Cali Samatar, sidoo kale waxuu door hoggaamineed oo firfircoon ku lahaa dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex-maray sanadihii 1964-kii iyo 1977-kii.

Sarkaalka labaad ee ciidamada Soomaaliya ka xirtay Darajada Sareeye-Guud waa Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Sareeye-Guud BashiirGoobe, haatan waa Jananka ugu sareeya ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, waxaana darajadaan sanadkii 2016-kii u xiray Madaxweynihii dalka Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

W/Q Liibaan Nuur Lugcad

Previous Post

Yurub oo ka baqaysa musiibada Nukliyeerka ee dagaalka Ruusha iyo Ukraine

Next Post

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Puntland oo shaaciyay doorashada 16 kursi

Next Post
Guddiga doorashooyinka beellaha Banaadiriga oo shaaciyay Odayaasha soo xulaya Ergada

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Puntland oo shaaciyay doorashada 16 kursi

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Akhriso War-murtiyeedka Shirka Gogosha Wadatashiga

June 19, 2025
0

Waxaa la soo gunaanaday Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda horay ugu dhawaaqay taasi oo muddo afar maalin ah...

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

June 19, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa fariin dhiirrigelin iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In