Sunday, August 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kaxda: Barakacayaal codsaday in kaalmo lala soo gaaro oo ay heysato xaalado nololeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo ka walaacsan xaaladda barakacayaasha Soomaaliya

barakac

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeerada  Daryeel  ee  Degmada Kaxda waxaa ku nool qoysas ka soo barakacay qaar ka mid ah gobollada dalka abaarta darteed, halkaasi oo ay ka jirto daruufo adag oo xagga nolosha ah.

Waxaa xusid mudan inay jiraan haween umul ah oo qaarkood  mataano dhalay,  kuwaasi  oo  aan haysan daryeel  caafimaad iyo mid nololeed   toona,  ayadoo ay usii dheertahay qabaw  iyo  dhaxanta dushooda ku dhacaysa oo ay usii dheertahay dhibicda roobka oo aysan haysan hooy ay gabaad ka dhigtaan.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Dhuusamareeb

August 15, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Itoobiya.

August 15, 2026

Maamulka  Degmada  Kaxda oo kaa shanaya qaybaha bulshada  ayaa waxaa  uu hirgaliyay  kushiin ay ka cunteeyaan qoysaska barakacayaasha ah, waxaana gabaabsi maraya raashinkii loo karin lahaa qoysaska oo awalba hal waqti  heli jiray 24  saac kaddib  oo loo kariyo bariis aan iidaan lahayn oo timir korka looga daray.

Hooyooyinka iyo carruurta  oo ah dad unugul dhibaatada iyo gaajada       ayaa safaf dhaadheer ugu jiray raashinka qaar kood ayaaba waxaa  Ka go’ay raashinkii  la qaybinayay, waayo waxa la kariyo iyo dadka oo marba marka ka dambaysa si habqan usoo gaaraya xerada ayaan  isku dhigmin.

Dadka qaarkood ayaa ah kuwa aan waxba qabsan karin  sida kuwa naafada ah iyo kuwa ay nafaqa darida haysato.

Cudurada faafa  oo ka dhasha nadaafadda darida ayaa fara ba’an ku haya dadka  xeradaas ku nool, sida  ay horjoogayaasha xeradaasi inoo sheegeen inta la xaqiijiyay tira dad ah ayaa u geeriyooday cudurka shuban biyoodka, halka kuwa kale ay la jiifaan Xerada Daryeel ee Dagmada Kaxda.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xaaladda nololeed barakacayaasha ay ka sii darayso, isla markaana aysan dadku helin gurmad ku filan, waxaana  Dowladda  Federaalka ah ee Soomaaliya Guddig gurmad abaaraha heer Qaran ugu baaqay inay iska xilsaaraan sidii Dadkaasi loogu gurman lahaa.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgalay Madal looga hadlayo Dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgalay Madal looga hadlayo Dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaaraha oo ka qaybgalay Madal looga hadlayo Dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Dhuusamareeb

August 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Itoobiya.

August 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, JFS Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Hoggaanka Taliska 21-aad ee Ciidanka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Hoggaanka Taliska 21-aad ee Ciidanka

August 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Qeybta 21-aad ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga

August 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Wasiir-Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In