Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kenya oo qorsheyneysa inay xirto xerada Dhadhaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Shir Qaxootiga Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxo dalka Kenya ayaa lagu sheegay in wasaaradda arimaha gudaha dalkaas ay wado qorshayaal lagu xiraayo Xerada Qaxootiga Dhadhaab oo ah xerada ugu weyn waqooyiga dalka Kenya oo ay ku nool yihiin in kabadan 350,000 oo qaxooti u badan Soomaali.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Kenya, Joseph Nkacery oo la hadlay warbaahinta uu sheegay in ay wadaan qorshayaal lagu xiraayo xerada Dhabaab oo uu sheegay in ay gabaad ka dhigtaan kooxaha nabad diidka ee falalka argagixiso ka geysta gudaha dalka Kenya.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

“Mudo Sanad gudaheed ah ayaa ku xireynaa xerada Qaxootiga Dhadhaab, si aan u xaqiijino amnigeena, islamarkaana aan uga hortagno qatarta kooxaha Argagixisada Al-shabaab ee ku dhuumaakeysanayo xeryaha qaxootiga ee ka furan gudaha dalka Kenya” ayuu yiri, Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Kenya, Joseph Nkacery.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dadka qaxootiga ah ay u celinayaan dalalka ay ka soo haajiraan oo uu sheegay in ayka jirto xasilooni siyaasadeed iyo isbadal xooggan oo dhanka amniga ah.

Hadalkaan ka soo baxay madaxda dowladda Kenya ayaa waxa uu walaac xooggan ku abuuray qaar ka mid ah dadka qaxootiga ah ee ku nool xeradaasi, waxaana madaxda dowladda Soomaaliya looga fadhiyaan dib u dajinta qaxootiga lagu wado in sanadkan dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

source: SONNA

Previous Post

Maraykanka oo ka Dalbay Kenya Inaysan Xirin Dhadhaab

Next Post

Ciidanka XDS oo Al-shabaab kala wareegay deegaano Sh/Hoose

Next Post
Ciidanka XDS oo Al-shabaab kala wareegay deegaano Sh/Hoose

Ciidanka XDS oo Al-shabaab kala wareegay deegaano Sh/Hoose

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In