Inta la xaqiijiyay sedax qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay in ka badan 20 kalena waay ku dhaawacmeen kadib markii Khawaarijta Al-Shabaab, miinooyinka dhulka lagu aaso ay ku qarxiyeen shacabka degaanka Bariirre ee gobolka Shabeellada hoose.
Guddoomiyaha Gobolka Shabbeellada hoose Maxamed Ibraahim Barre, oo la hadlay warbaahinta Qaranka, ayaa ugu horeeyn tacsi tiiraanyo leh la wadaagay Ehelada dadkii ay dhibaatada haleeshay, waxuuna sheegay in dadka dhaawaca ah loo soo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho.
Mudane, Maxamed Ibraahim Barre, oo faah-faahin ka bixiyay qaabkii ay dadkan rayidka u xasuuqeen arxan laawayaasha khawaarijta Al-shabaab ayaa yiri, “marka hore waxay qarax la beegsadeen Mooto uu qof shacab ah watay, ka dibna waxay qarax kale la beegsadeen dad weynihii usoo gurmaday ee goobta isugu yimid”
Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn dowladda federaalka, maamulka koofur galbeed iyo bulshada ku dhaqan caasimadda ka codsaday in kaalmo iyo garab istaag loo fidiyo shacabka ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxyada ay dhigeen khawaarijtu.
Dhowaan ayay ahayd markii khawaarijtu in ka badan 20 Carruur ah ku laysay qarax ay dhigeen goob ay ku cayaarayeen duleedka degaanka Jannaale ee isla gobolka Shabeellada hoose, taas oo qeyb ka ah falalka arxan darrada ah ee ay shacabka iyo maatida la beegsadaan.