Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khilaafkii ka dhaxeeyay hogaanka NUSOJ oo xal laga gaaray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wakiil Wareedka Idaacada Kulmiye oo Gaalkacyo lagu dhaawacay iyo NUSOJ oo ku Baaqday Baaritaan deg deg ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddi sagaalka xubnood ah oo saxaafadda Soomaaliya ay u xilsaartay xalinta khilaafkii muranka badan dhaliyay ee u dhaxeeyay labada garab ee ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta ka warbixyay howlihii dhex dhexaadinta ahaa ay wadeen maalmihii ugu dambeeyay iyagoo sheegay in si gaar gaar ah ay ula kuleem labada garab oo ay xal kama dambeys ah ka gaareen arintaas.

Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ka mid ah gudigaas ayaa sheegay in garabyada NUSOJ ee isla khilaafsan ay la kulmeen oo ay natiijo wanaagsan ka gaareen arintaasi, wuxuuna ka codsaday Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo hay’adaha caalamka ee taageera saxaafadda in arintaas ay ku taageeraan.

Related posts

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026

Cabdi Maalik Yuusuf Maxamed oo ah milkiilaha Idaacada Shabeele ayaa sheegay in talada saxaafada Soomaaliya ay ku jirto gacanta guddiga, ujeeddada gudiganna ay tahay in la helo hogaan mid ah oo uu leeyahay ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ islamarkaana wakiil ka ah guud ahaan saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Guddigan ayaa ka kooban sagaal xubnood oo ay iska soo dhxe xuleen guud ahaan saxaafadda Soomaaliya, waxaana loo xilsaaray in uu xaliyo khilaafaadka ka dhex jira labada garab ee ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ,waxaana dhawaan Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ay sheegtay in xilligan aanu jirin hogaan uu leeyahay ururka NUSOJ loona baahanyahay in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay doortaan hogaan ay ku mideysanyihiin.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo la kulmay safiirka Indonesia

Next Post

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Nuur Cadde oo lagu dilay qarax

Next Post
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Nuur Cadde oo lagu dilay qarax

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Nuur Cadde oo lagu dilay qarax

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laashay natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,...

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha...

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In