Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khudbadaha laga jeediyay furitaanka shirka Warbaahinta ee Muqdisho – SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Khudbadaha laga jeediyay furitaanka shirka Warbaahinta ee Muqdisho – SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Qaran ee Horumarinta Istiraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ayaa maanta si rasi ah uga furmay magaallada Muqdisho. Shirkaan waxaa furay R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte.

Haddaba halkaan waxaan idiin kugu soo gudbinaynaa qeybo ka mid ah khudbooyinkii furitaanka ee ay jeediyeen masuuliyiinta ka qeyb gashay shirka.

Related posts

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š  ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

โ€œKooxaha nabad diidka ahi wariyeyaal badan oo dalkaan qiimo u lahaa ayay dileen, Caddaaladda ayaa la horkeeni doonaa, sida loo hor keenay kuwii dilay wariyeyaal Soomaaliyeed oo ay u dambeysay Hindiyo Xaajiโ€ ayuu yiri wasiir

โ€œDadkaani waxay ahaayeen kuwo doonayay inay maskaxdooda ku beddelaan Soomaaliya ay nabad gaarsiiyaanโ€.

โ€œFarxad weyn ayay noo tahay in maanta warbaahinta Soomaaliyeed ay heystaan sharci u oggolaayana inay shaqeystaan, Wariyaha Soomaaliyeedna siinaya xuquuqdiisaโ€

โ€œDhammaadka shirkan waxaan rajaynayaa in istiraatiijiyad aan ku mideysannahay oo aan fulinteeda ka wada shaqeyno shanta sano ee soo socotaโ€

Xildhibaan Cabdi Xaashi

โ€œSharcigaani, Warbaahinta madaxa bannaan xuquuq badan ayuu siinayaa, si guud ayuuna u ilaalinayaa warbaabinta Soomaaliyeed xuquuqdoodaโ€ ayuu yiri

โ€œWariyaha gef sameeya haddii shalay xabsiga la geyn jiray, maanta sharcigu wuu diidayaa arrintaas oo lama xiri karo ilaa ay maxkamadi oggolaansho soo dhiibtoโ€

โ€œGuddiga saxaafadda oo ah 9 xubnood oo 3 ay ka imaanayaan warbaahinta madaxa bannaan, ayaa wasaaradda kala shaqeyn doona kiisaska anshaxa la xiriiraโ€

โ€œXeerkaani waa mid aan mustaqbalka u sameysanayno, waxbaa laga beddeli karaa maxaa yeelay waa salkii sharcigaโ€.

โ€œWariyeyaasha Soomaaliyeed waa in la siiyaa xuquuq mushaar oo ku filan, hayโ€™adaha warbaahintu haddaysan awoodin inay bixiyaan

Wasiirka Warfafinta Puntland. Maxamuud Xasan Ismaaciil

โ€œWasaaradda Warfafinta hannaanka wada-shaqeyn ee ay noo abuurtay waan soo dhaweynayaa, waxayna daahfur u tahay wax-qada qabsiga dowladda iyo dowlad-goboleedyadaโ€.

โ€œXeerka Saxaafadda ee la anisixiyay Puntland waxay ku dartay aragtideeda, Waxaan idiin caddeynayaa Puntland inay diyaar u tahay inay fuliso sharciga saxaafadda Soomaaliyeed ee dowladda Dhexe ay soo saartayโ€.

Wasiirka Warfafinta Koofur-Galbeed Xasan Cabdi Maxamed.

โ€œMa jiro wariye lagu xiray Koofur-Galbeed, waana garowsanahay dhibaatada ay ku shaqeynayaan, waxaan ku faraxsannahay in maanta sharci saxaafadeed oo xuquuq siinaya cid kasta la helay.

โ€œSharigan ay soo ansixiyeen goleyaasha dowladda dhexe ee uu madaxweynuhuna saxiixay sidiisa ayaan u dhaqan galinaynaa, annagoo la kaashanayna dowladda dhexe. Sidoo kale waxaan sharcigeena waafajin doonnaa sharciga qaran ee saxaafaddaโ€.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug. Maxamed Cusmaan Aadan โ€œMesagawaayโ€

“Waxaan ย aad ugu faraxsanahay in shirkeennani uu ku soo beegmayo, maalin uu ka dib markii uu madaxweynaha Jamhuuriyaddu saxiixay Xeerka Saxaafadda Qaranka, ee uu dhowaan ansixiyay baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay maanta markii ugu horreysay taariikhda leedahay Xeer- saxaafadeed oo u dhigma kuwa dunida, waxaana ammaan iyo bogaadin mudan cid kasta oo gacan ka geysatay diyaarinta xeerkan oo ay shaqadiisu soo socotay tan iyo sanadkii 2007-dii.

Xogahayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Pakistaan

โ€œWaa markii ugu horreysay oo aan yeelanno sharci saxaafadeed. In madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixay sharciga saxaafadda Soomaaliya waa dhacdo taariikhi ah, saxafiyiinta Soomaaliyeed waxay u tahay billow cusub oo horumar ah. Waxyaabaha la dhaliilsan yahay ee sharciga ku jira in dib loo saxo ayaan rajaynaynaaโ€.

Shirkaan natiijo fiican oo horumarmar ah ayaan ka rajaynayaa inay ka soo baxaan, oo dowladda, hayโ€™adaha deeqaha bixiya iyo warbaahinta madaxa bannaanba

Raโ€™iisul-Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte

โ€œXeerkaan iyo Istiraatiiiyadda aan maanta ka hadlayno waa inay wax ka beddelaan waxna ku kordhiyaan nolosha dadkeena, Sharci laโ€™aantu fowdo ayay ka dhigan tahay, waa inaan xusuusnaanno in masuuliyadi na saran tahay gaar ahaan wariyaha, isla markaana sharciga la dhowraaโ€.

โ€œSharcigaani wuxuu ilaalinayaa madaxbannaaniada saxaafadda sidoo kale wuxuu dhowrayaa xuquuqda wariyeyaasha, isagoo sidoo kale ilaalinaya xuquuqda dadka ee ku cad dastuurka waddankaโ€

โ€œSaxaafadda xorta ah waa inay ogaadaan Soomaaliya in aysan dowladdu lahayn ee ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin, Waa in ay ka shaqeeyaan horumarinta dalkooda oo ay wanaajiyaan muuqaalka waddanka oo ay masuuliyad muujiyaanโ€.

โ€œWaxaan ammaanayaa dhammaan hayโ€™adaha iyo qeybaha kala duwan ee ka soo shaqeeyay shirkaan iyo juhdiga ay bixiyeen. SIdoo kale waxaan u mahad celinayaa hayโ€™adaha dowladeed iyo qeybaha kale ee ka soo shaqeeyay sharciga saxaafadda ee noo suurta galinaya in la kala xadeeyo dowladda, shacabka iyo warbaahintaโ€.

12557117_10153467872007087_669605261_o 12443509_10153467862707087_930665597_o 12544786_10153467862312087_1550025537_o 12528747_10153467809672087_129540002_o 12544023_10153467805452087_485812422_o 12528438_10153467805372087_422944340_o 12544840_10153467796537087_824285776_o 12511247_10153467796412087_358526154_o 12544816_10153467781557087_1196664727_o 12546127_10153467781397087_1649144567_o 12546172_10153467781227087_1115029591_o 12544027_10153467781172087_677713754_o 12506682_10201327564788709_465650134_nhdi

Previous Post

Xukuumadda oo loogu baaqay in degmada Rabdhuure ay gurmad gaarsiiso

Next Post

Wafdi heerar kala duwan leh oo ku qul qulaya magaalada Jowhar

Next Post
Daawo Sawirrada: Jowhar oo u diyaar-garoobeysa marti gelinta shirka maamul u sameeynta Sh/dhexe iyo Hiiraan

Wafdi heerar kala duwan leh oo ku qul qulaya magaalada Jowhar

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š  ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

August 22, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In