Friday, April 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Khudbadda Madaxweynaha ee Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Shir-doceedyo la yeeshay Madaxda dalalka Ciraaq, Sweden iyo Talyaaniga+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Khudbadda Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Waxa sharaf ii ah inaan kamid ahaado masuuliyiinta iyo saaxiibbada sharafta leh ee ka qayb-gelaysa Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay qabsoomaya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

April 23, 2026

Waxaan Dowladda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar uga mahadcelinayaa martisoorka heerkiisu sarreeyo ee aniga iyo wafdigayga na loo fidiyey iyo inay martigelisay wadahadalladan taariikhiga ah ee ku aaddan mustaqbalka iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub.

Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Carabtu waxa uu qabsoomay wakhtigii loo baahnaa, wuxuuna adkeynayaa xiriirka labada dhinac oo ku dhisan is-ixtiraam iyo kalsooni, asaaskiisuna yahay iskaashi siyaasadeed iyo dhaqaale oo miradhal ah. Xiriirka saaxiibtinnimo ee u dhexeeya dalalka Carabta iyo Midowga Yurub waa mid taariikhi ah balse waxaan u baahannahay inaan sii xoojinno innaga oo abuurayna iskaashiyo cusub oo laga wada faa’ido.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Cinwaanka Shirka “Maalgelinta Xasiloonideenna” waa mid wakhtigan la jaanqaadaya maadaaama oo uu caalamku uu si xawli ah isu beddelayo. Dalalka Carabta iyo Midowga Yurubba waxay waajahayaan caqabado ay wadaagaan oo la xiriira amni darrada, dhaqaale xumada, tahriibka iyo dhibaatada deegaanka. Caqabadahani waa kuwo caalami ah oo aan hal dal keligiis wax ka qaban karin—si kasta oo uu hodon u yahay ama u diyaarsan yahay. Sidaasi awgeed, iskaashiga dalalka Carabta iyo Midowga Yurub waxa uu muhiim u yahay xallinta caqabahan caalamiga ah. Iskaashigeenna laba-geesoodka ahi waa inuu ahaadaa mid ay hagayso aragti iyo ujeeddo guud isla markaana ku salaysan natiijooyin waxtar u leh shucuubteenna iyo caalamka intiisa kale.

Wadashaqaynta dhanka dhaqaalaha iyo ganacsigu waxay gundhig u noqon doontaa iskaashiga Carabta iyo Midowga Yurub. Labada dhinacba , dowladuhu waxay dadaal ku bixinayaan inay badiyaan ilaha dhaqaalahooda, dhiirrigeliyaan halabuurka ganacsi, abuuraan marinno ganacsi oo cusub, isla markaana ganacsatada u suurtageliyaan deegaan ay ku kobci karaan, shaqooyin cusubna ku abuuri karaan. Marka arrintan laga hadlayo, waxa jira heshiisyo badan oo ku saabsan ganacsiga xorta ah balse waxaa muhiim ah inaan xoojinno wadashaqaynteenna iyo tan ganacsatadeenna si aan si dhab ah uga faa’idaysanno iskaashigeenna.

Waxaan rabaa inaan hadalkayga ku soo koobo ku celinta muhiimadda uu leeyahay iskaashiga dalalka Carabta iyo Midowga Yurub wakhtigan la joogo ee ku suntan isku xirnaanta iyo isku tiirsanaanta.

Waxaan ku kalsoonahay inaan caqabad kasta ka gudbi karno, kana faa’idaysan karno fursadaha waaweyn ee ina horyaalla haddii aan si dhaw isula shaqayno. Innaga oo wadajirna, iskaashi waxtar lehna ina dhex yaallo waxay ka dhigan tahay inaan xooggannahay, isku xirannahay, sidii horena ka hodonsannay. Kani waa maalgashiga ugu weyn ee aan ku samayn karno xasiloonideenna mustaqbalka iyo barwaaqada guud.

Dhammaantiin waad mahadsan tihiin.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Shir-doceedyo la yeeshay Madaxda dalalka Ciraaq, Sweden iyo Talyaaniga+Sawirro

Next Post

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay wade gaari

Next Post
Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay wade gaari

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay wade gaari

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga...

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

April 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel...

Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista

April 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha ayaa Arbacadii si rasmi ah u daah furay Xarunta Cilmi baarista iyo...

Safiir Maxamed Amiin iyo Guddoomiyaha Culimada Muslimiinta oo kulan muhiim ah ku yeeshay Sacuudiga

Safiir Maxamed Amiin iyo Guddoomiyaha Culimada Muslimiinta oo kulan muhiim ah ku yeeshay Sacuudiga

April 23, 2026
0

Safiirka dawlada Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Mohamed Amin Sheikh Osman ayaa Maanta kulan mira dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In