Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Koofur Galbeed oo Hay’addaha Samafalka ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan fatahaadda Webiga Shabeelle+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Koofur Galbeed oo Hay’addaha Samafalka ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan fatahaadda Webiga Shabeelle+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka gar-gaarka iyo maareynta musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Cabdinuur Cabdi Caruush ayaa hay’adaha samafalka ugu baaqay in ay dar-dargeliyaan howlahooda ku aaddan taakuleynta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Mudane; Caruush oo ka hadlayay kulan ay Muqdiho ku yeesheen Guddiga samata bixinta Dadka uu saameeyay fatahaadda Webiga Shabeelle ee Koofur Galbeed ayaa intaa ku daray in uu si wanaagsan u socdo gurmadka, iyagoo la kaashanaya Dowladda dhexe iyo hay’adaha samafalka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Degmooyinka Afgooye, degaanno ka tirsan Marka, Wanla-weyn iyo Aw-dheegle ay si weyn u sameeyeen fatahaadda Webiga, wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay Wasaaradda Caafimaadka KG oo Dadka barakacay la garab taagan taakuleyn iyo wacyi gelin ku saabsan xanuunka Coronavirus.

In ka badan 40 oo Qof ayuu sheegay Wasiirku in ay saameysay fatahaaddu, halka 15,000 ay ku barakacday, wuxuuna intaa ku daray in Dadkaasi qaar ka mid ah loo qaybiyay Lacag, qaarna ay Raashiin iyo Agabka kale, isagoo ku cel-celiyay ka mahad-celinta doorka Bini’aadam-nimo ee ay hay’adaha samafalka, Dowladda dhexe iyo maamulka KG ka geysteen taakuleynta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Tags: Koofur Galbeed oo Hay’addaha Samafalka ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan fatahaadda Webiga Shabeelle+Sawirro
Previous Post

Safaaradda JFS ee Suudaan oo Dhalinyaro Soomaaliyeed ka sii daysay xabsiyada dalkaasi

Next Post

Wasiirka Amniga Galmudug Oo Booqday Xero Ay Ku Jiraan Ciidamo Ka Tirsan Darawiishta Galmudug “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Amniga Galmudug Oo Booqday Xero Ay Ku Jiraan Ciidamo Ka Tirsan Darawiishta Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In