Wednesday, June 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Arsenal,West Brom,Aston Villa iyo Crystal Palace oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 14, 2015
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Arsenal,West Brom,Aston Villa iyo Crystal Palace oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Arsenal ayaa u hal dhibic u soo jirsatay kooxda Manchester City oo kaalinta labaad uga jirto horyaalka,ka dib markii ay garoonkeeda Emirates 3-0 uga badisay kooxda West Ham United.

Kooxda Arsenal ayaa goolka la hor martay,waxaana dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Olivier Giroud,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Gi gool Gi gooolGir gooolGir goolGi cele Gi celee Gir cele Giro cele

Ciyaaryahan Aaron Ramsey ayaa daqiiqadii 82-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Arsenal.

Aron goolAron cele Aron celeeAaron cele

Ciyaaryahan Mathieu Flamini ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Arsenal.

Flam goolFla cele Flam cele

Kooxda Arsenal ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta sedaxaad,waxana ay leedahay 57-dhibcood,halka kooxda West Ham ay horyaalka uga jirto kaalinta tobanaad,iyadoo leh 39-dhibcood.

Kooxda West Bromwich Albion ayaa garoonkeeda The Hawthorns 1-0 uga badisay kooxda Stoke City.

Ciyaaryahan Brown Ideye ayaa daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda West Bromwich,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ideye gool Ideye gooolidye goolideye cele ideye celeee Idye cele

Labada kooxood wax gool ah iskama dhalin qeybtii danbe ee ciyaarta.

Kooxda Stoke City ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta sideedaad,waxana ay leedahay 42-dhibcood,halka kooxda West Bromwich ay horyaalka uga jirto kaalinta 13-aad,iyadoo leh 33-dhibcood.

Kooxda Sunderland ayaa waxaa garoonkeeda Stadium of Light 0-4 uga badiyay kooxda Aston Villa.

Kooxda Aston Vill ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhalisay afar gool,waxaana min labo gool kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Christian Benteke iyo Gabriel Agbonlahor,sidasi ayaana lagu kala nastay qybtii hore ee ciyaarta.

Ben cele Ben gool Bent gool Cele Gab gool Gabr gool

Taageerayaasha kooxda Sunderland ayaa laga celceliyay tababare Gus Poyet oo ganaaxan,islamarkaana ciyaarta ka daawanayay tarabuunka.

Empty F fans Fans ff frt Fury Gus out Gus Out

Inta badan taageerayaashii kooxda Sunderland ayaa garoonka cildeeyay dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta,ka dib markii qeybtii hore ee ciyaarta afar gool laga dhaliyay kooxda ay taageeraan.

Tababare Tim Sherwood ayaa guushii sedaxaad oo xiriir ah u hor seeday kooxda Aston Villa.

Tim cele

Kooxda Aston Villa ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uag jirto kaalinta 16-aad,waxana ay leedahay 28-dhibcood,halka kooxda Sunderland ay horyaalka uga jirto kaalinta 15-aad,iyadoo leh 26-dhibcood.

Kooxda Crystal Palace ayaa garoonkeeda Selhurst Park 3-1 uga badisay kooxda Queens Park Rangers.

Kooxda Crystal Palace ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhalisay sedaxda gool,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Wilfried Zaha, James McArthur iyo Joel Ward.

James cele James gool Jmes gool Ward cele Ward celee Ward celeee Ward gool Zaha gool Zaha goool

Ciyaaryahan Matthew Phillips ayaa goolka uu u dhaliyay kooxda QPR waxa uu ka laaday meel goolka u jirto 43-talaabo.

Matt goolMatt cele

Kooxda Crystal Palace ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 33-dhicbood,halka kooxda QPR ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Previous Post

Kooxaha Bayern Munich,Frankfurt,Mainz iyo Hoffenheim oo Guulo Gaaray

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka...

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

June 3, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

June 3, 2025
0

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In