Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Bayern Munich,Frankfurt,Mainz iyo Hoffenheim oo Guulo Gaaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Bayern Munich,Frankfurt,Mainz iyo Hoffenheim oo Guulo Gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Werder Bremen ayaa waxaa garoonkeeda Weserstadion 0-3 uga badisay kooxda Bayern Munich oo hogaamineyso horyaalka Jarmalka.

Kooxda Bayern Munich ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhalisay labo gool,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Thomas Mueller iyo David Alaba,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Ciyaaryahan Robert Lewandowski ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta labada gool ee kale u kala dhaliyay kooxda Bayern Munich.

Kooxda Bayern Munich ayaa waxaa galabta ka maqnaa oo aan u ciyaarin ciyaaryahanada kala ah Franck Ribery, Arjen Robben iyo Xabi Alonso.

Kooxda Bayern Munich ayaa horyaalka Jarmalka ku hogaamineyso 64-dhibcood,halka kooxda Werder Bremen ay horyaalka uga jiro kaalinta 9-aad,iyadoo leh 33-dhibcood.

Kooxda Hertha Berlin ayaa garoonkeeda Olympiastadion barbardhac 2-2 ah kula gashay kooxda Schalke 04.

Kooxda Hertha Berlin ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Anis Ben-Hatira.

Ciyaaryahan Leroy Sane ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Schalke 04,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Genki Haraguchi ayaa daqiiqadii 82-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Hertha Berlin.

Ciyaaryahan Joel Matip ayaa dhamaadki ciyaarta goolka labaad ee bareejada u dhaliyay kooxda Schalke 04.

Kooxda Schalke 04 ayaa kala horeynta horyaalka Jarmalka uga jirto kaalinta shanaad,waxana ay leedahay 39-dhibcood,halka kooxda Hertha Berlin ay horyaalka uga jirto kaalinta 14-aad,iyadoo leh 26-dhibcood.

Kooxda Hoffenheim ayaa garoonkeeda Rhein-Neckar-Arena 3-0 uga badisay kooxda Hamburger SV.

Garsootihii ciyaarta ayaa daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta kaarka casaanka ah u taagay gool-hayihii kooxda Hamburger SV Jaroslav Drobny.

Ciyaaryahan Eugen Polanski ayaa gool u bedelay rigooradii loo dhigay kooxda Hoffenheim,sidasi ayaana lagu nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Eugen Polanski ayaa daqiiqadii 82-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Hoffenheim.

Ciyaaryahan Sebastian Rudy ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Hoffenheim.

Kooxda Hoffenheim ayaa kala horeynta horyaalka Jarmalka uga jirto kaalinta todobaad,waxana ay leedahay 36-dhibcood,halka kooxda Hamburger ay horyaalka uga jirto kaalinta 15-aad,iyadoo leh 25-dhibcood.

Kooxda Eintracht Frankfurt ayaa garoonkeeda Commerzbank-Arena 4-0 uga badisay kooxda Paderborn.

Kooxda Frankfurt ayaa waxaa labadii qeyb ee ciyaarta afarta gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Alexander Meier, Marc Stendera ,Stefan Aigner iyo Nelson Haedo Valdez.

Kooxda Frankfurt ayaa kala horeynta horyaalka Jarmalka uga jirto kaalinta sideedaad,waxana ay leedahay 34-dhibcood,halka kooxda Paderborn ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseya.

Kooxda Augsburg ayaa waxaa garoonkeeda SGL arena 0-2 uga badiyay kooxda Mainz 05.

Kooxda Mainz 05 ayaa waxaa labadii qeyb ee ciyaarta labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Shinji Okazaki iyo Ja-Cheol Koo.

Kooxda Mainz ayaa kala horeynta horyaalka Jarmalka uga jirto kaalinta 11-aad,waxana ay leedahay 29-dhibcood,halka kooxda Augsburg ay horyaalka uga jirto kaalinta lixaad,iyadoo leh 38-dhibcood.

 

Previous Post

“Sawirro” Madaxweynaha oo la kulmay hogaamiyaha Palastin

Next Post

Kooxaha Arsenal,West Brom,Aston Villa iyo Crystal Palace oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Kooxaha Arsenal,West Brom,Aston Villa iyo Crystal Palace oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Kooxaha Arsenal,West Brom,Aston Villa iyo Crystal Palace oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee...

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In