Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Bayern Munich,Hannover iyo Stuttgart oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Ciyaaraha
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Bayern Munich ayaa garoonkeeda Allianz Arena 2-0 uga badisay kooxda Freiburg.

Kooxda Bayern Munich ayaa goolka la hor martay,waxaana dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Arjen Robben,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

celeeeArjencalee celee

Ciyaaryahan Robben ayaa caawo goolkiisii 100-aad u dhaliyay kooxda Bayern Munich.

Ciyaaryahan Thomas Mueller ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Bayern Munich.

gool Muer celee Muler goolTomas Celee

Kooxda Bayern Munich ayaa caawo badisay kulankii 20-aad oo xiriir ah oo ka tirsan horyaalka Jarmalka ee Bundesliga.

Cileesupp

Kooxda Bayern Munich ayaa waxaa ka dhaawacmay ciyaaryahanada kala ah Medhi Benatia iyo Xabi Alonso  .

Kooxda Bayern Munich ayaa horyaalka Jamalka ee Bundesliga ku hogaamineyso 42-dhibcood,halka kooxda Freiburg ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Hannover 96 ayaa garoonkeeda HDI-Arena 2-0 uga badisay kooxda Augsburg.

Ciyaaryahan Salif Sane ayaa daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxda Hannover,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Markii la isku laabatay qeybtii labaad ayaa ciyaaryahan Joselu gool labaad oo rigoore ahaa u dhaliyay kooxda Hannover.

Kooxda Augsburg ayaa kala horeynta horyaalka Jarmalka uga jirto kaalinta shanaad,waxana ay leedahay 24-dhibcood,halka kooxda Hannover 96 ay horyaalka uga jirto kaalinta sideedaad,iyadoo leh 23-dhibcood.

Kooxda Hamburger SV ayaa waxaa garoonkeeda Imtech Arena 0-1 uga badiyay kooxda VfB Stuttgart.

Ciyaaryahan Florian Klein ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda VfB Stuttgart.

Ciyaaryahan Georg Niedermaier ayaa bilowgii qeybtii danbe ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Stuttgart.

Kooxaha VfB Stuttgart iyo Hamburg ayaa waxa ay leeyihiin min 16-dhibcood.

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Real Madrid oo u Soo Baxday Finalka Koobka Naadiyada Aduunka “SAWIRRO”

Next Post

Real Madrid oo u Soo Baxday Finalka Koobka Naadiyada Aduunka “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In