Kooxda Bradford City oo ka ciyaarta heerka sedaxaad ee dalka ingiriiska ayaa u soo baxday wareega shanaad ee koobka FA Cup-ka,ka dib markii ay 4-2 uga badisay kooxda Chelsea oo ku ciyaareysay garoonkeeda Stamford Bridge.
Kooxda Chelsea ayaa waxaa qeybtii hore ee ciyaarta labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Gary Cahill iyo Ramires.
Kooxda Bradford City ayaa waxaa labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Jonathan Stead iyo Felipe Morais.
Ciyaaryahan Andrew Halliday ayaa goolka sedaxaad ee guusha u dhaliyay kooxda Bradford City.
Ciyaaryahan Mark Yeates ayaa goolka afaraad u dhaliyay kooxda Bradford City.
Kooxda Bradford City ayaa guul taariikhi ah oo ku farxay tababarahooda Phil Parkinson ka gaartay koobka FA Cup-ka.
Kooxda Manchester City ayaa waxaa garoonkeeda Etihad Stadium ku reebay kooxda Middlesbrough oo ka ciyaarta heerka labaad ee dalka ingiriiska.
Kooxda Middlesbrough ayaa u soo baxday wareega shanaad ee koobka FA Cup-ka,ka dib markii 2-0 uga badisay kooxda Manchester City.
Ciyaaryahan Patrick Bamford ayaa bilowgii ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxda Middlesbrough.
Ciyaaryahan Kike ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Middlesbrough.
Kooxda Tottenham Hotspur ayaa garoonkeeda White Hart Line 1-2 uga badiyay kooxda Leicester City oo ay ka wada ciyaaraan Premier League-ga.
Kooxda Tottenham ayaa goolka la hor martay,waxana qeybtii hore ee ciyaarta gool rigoore ahaa u dhaliyay ciyaaryahan Andros Townsend.
Ciyaaryahan Jose Leonardo Ulloa ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda Leicester City.
Ciyaaryahan Jeffrey Schlupp ayaa waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Leicester City.
Kooxda Leicester City ayaa u soo baxday wareega shanaad ee koobka FA Cup-ka.
Kooxda Blackburn Rovers oo ka ciyaarta heerka labaad ee dalka ingiriiska ayaa u soo baxday wareega shanaad ee koobka FA Cup-ka,ka dib markii ay garoonkeeda Ewood Park 3-1 uga badisay kooxda Swansea City oo ka ciyaarta Premier League-ga.
Kooxda Blackburn Rovers ayaa waxaa sedaxda gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Chris Taylor, Rudy Gestede iyo Craig Conway.
Kooxda Swansea City ayaa waxaa kaarka casaanka ah ka qaatay ciyaaryahanada kala ah Kyle Bartley iyo Gylfi Sigurdsson.
Kooxda Birmingham City oo ka ciyaarta heerka labaad ee dalka ingiriiska ayaa waxaa garoonkeeda St. Andrews 1-2 uga badiyay kooxda West Bromwich Albion oo ka ciyaarta Premier League-ga.
Kooxda West Brom ayaa waxaa labada gool u dhaliyay ciyaaryahan Victor Anichebe.
Kooxda West Bromwich Albion ayaa u soo baxday wareega shanaad ee koobka FA Cup-ka.
Kooxda Southampton ayaa ka hartay koobka FA Cup-ka,ka dib markii garoonkeeda St. Mary’s Stadium 2-3 ay uga badisay kooxda Crystal Palace oo ay ka wada ciyaaraan Premier League-ga.
Kooxda Crystal Palace ayaa waxaa labo ka mid ah goolasha u dhaliyay ciyaaryahan Marouane Chamakh,halka uu goola sedaxaad uu u dhaliyay ciyaaryahan Yaya Sanogo oo si amaah ah ay uga soo qaateen kooxda Arsenal.
Tababaraha cusub ee kooxda Crystal Palace Alan Pardew ayaa badiyay dhamaan afartii kulan oo uu hogaanka u hayay kooxdiisa cuusb.
Kooxda Crystal Palace ayaa u soo baxday wareega shanaad ee koobka FA Cup-ka.