Friday, May 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Manchester City,Southampton iyo Hull City oo Guulo Gaaray ”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 1, 2015
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Manchester City,Southampton iyo Hull City oo Guulo Gaaray ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium 3-2 uga badisay kooxda Sunderland.

Kooxda Manchester City ayaa goolka la hor martay,waxaana bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Yaya Toure.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Yaya goolYaya celee

Ciyaaryahan Stevan Jovetic ayaa daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta gool labaad u dhaliyay kooxda Manchester City.

Jovetic goolKooxda Sunderland ayaa la timid labo gool oo deg deg ah oo barbardhac ah,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Jack Rodwell iyo Adam Johnson oo rigoore dhaliyay.

Jack goolJack CeleeAdam Pen

Ciyaaryahan Frank Lampard ayaa daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta gool sedaxaad u dhaliyay kooxda Manchester City.

Lam celeeSad

Kooxda Manchester City oo uu hogaamiyo macalin Manuel Pellegrini ayaa dhanka dhibcaha la simantay kooxda Chelsea oo hogaamineysay horyaalka ingiriiska,waxana ay wada leeyihiin min 46-dhibcood,halka kooxda Sunderland ay horyaalka uga jirto kaalinta 14-aad,iyadoo leh 20-dhibcood.

Kooxda Southampton ayaa garoonkeeda St Mary 2-0 uga badisay kooxda Arsenal.

Kooxda Southampton ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Sadio Mane,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Dusan Tadic ayaa bilowgii qeybtii danbe ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Southampton.

Kooxda Southampton ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta afaraad,waxana ay leedahay 36-dhibcood,halka kooxda Arsenal ay horyaalka uga jirto kaalinta shanaad,iyadoo leh 33-dhibcood.

Kooxda West Ham United ayaa garoonkeeda Upton Park barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda West Bromwich Albion.

Kooxda West Ham United ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii tobanaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Diafra Sakho.

Ciyaaryahan Saido Berahino ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda kooxda West Bromwich Albion,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Tababaraha cusub ee maanta loo magacaabay kooxda West Bromwich Albion Tony Pulis ayaa tarabuunka ka daawanyay ciyaarta.

Kooxda West Ham United ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta lixaad,waxana ay leedahay 32-dhibcood,halka kooxda West Bromwich ay horyaalka uga jirto kaalinta 17-aad,iyadoo leh 18-dhibcood.

Kooxda Newcastle United ayaa garoonkeeda St James Park barbardhac 3-3 ah kula gashay kooxda Burnley.

Kooxda Newcastle ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 15-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Steven Taylor.

Ciyaaryahan Paul Dummett oo daafaca u ciyaara kooxda Newcastle ayaa daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta goolka barbardhac ah ka dhaliyay kooxdiisa.

Ciyaaryahan Jack Colback ayaa daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta gool labaad oo aad u qurux badan u dhaliyay kooxda Newcastle United,sidasi ayaan lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Danny Ings ayaa daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta gool labaad oo barbardhac ah u dhaliyay kooxda Burnley.

Ciyaaryahan Moussa Sissoko ayaa daqiiqadii 78-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Newcastle United.

Ciyaaryahan George Boyd ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka sedaxaad ee barbardhaca u dhaliyay kooxda Burnley.

Kooxda Newcastle United ayaa waxaa si KMG ah u leeylinayay John Carver oo ahaa tababare ku xigeenkii kooxda,ka dib markii Alan Pardew uu ku biiray kooxda Crystal Palace.

Kooxda Newcastle United ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta tobanaad,waxana ay leedahay 27-dhibcood,halka kooxda Burnley ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseya.

Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield barbardhac 2-2 ah kula gashay kooxda Leicester City.

Kooxda Liverpool ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhalisay labo gool oo rigoore ahaa,waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Steven Gerrard,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda Leicester City ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta dhalisay labo gool oo deg deg ah,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah David Nugent iyo Jeffrey Schlupp.

Kooxda Liverpool ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta sideedaad,waxana ay leedahay 29-dhibcood,halka kooxda Leicester City ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Hull City ayaa garoonkeeda KC Stadium 2-0 uga badisay kooxda Everton.

Kooxda Hull City ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Ahmed El Mohamady.

Ciyaaryahan Nikica Jelavic ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Hull City,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda Everton ayaa laga badiyay kulankii afaraad oo xiriir ah.

Kooxda Everton ayaa horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta 13-aad,waxana ay leedahay 21-dhibcood,halka kooxda Hull City ay horyaalka uga jirto kaalinta 15-aad,iyadoo leh 19-dhibcood.

Kooxda Queens Park Rangers ayaa garoonkeeda Loftus Road barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Swansea City.

Kooxda Queens Park Rangers ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Leroy Fer,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Wayne Routledge ayaa dhamaadkii qeybtii danbe ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Swansea City.

Ciyaaryahan Wilfried Bony ayaa waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda Swansea City.

Kooxda Swansea City ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta sagaalaad,waxana ay leedahay 29-dhibcood,halka kooxda Queens Park Rangers ay horyaalka uga jirto kaalinta 16-aad,iyadoo leh 19-dhibcood.

Previous Post

Stoke City iyo Manchester United oo Bareejo Ku Kala Baxay ”SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In